WACDARIHII XISBIGA WADDANI EE MAGAALADDA BRISTOL BY FAISAL FARAFIDIYE

Inline image 1

Waxaan salaan ISLAAMKA EE ASALAAMU CALAYKUM ku salaamayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh , waxaan salaantaas mid la mid ah hawada u marinayaa waddaniga dhabta ah gude iyo debadaba

 
Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid halyaygii Somaliland Marxuun Yaasin X. Ismaaciil Jirde oo maanta 18/04/2014 lagu aasay magaalada London aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qurba-jooga Xisbiga Waddani waxaan marxuunkaas ilaahay uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabi, samir iyo iimaanna ka siiyo dhamaan EHELADII iyo AQAARIBKII uu ifka kaga tegay.


Waxaan si mug leh ugu mahadnaqayaa dhamaan masuuliyinta, odayaasha, xubnaha,iyo taageerayaasha Xisbiga waddani ee magaalada Bristol ee carigan Ingriiska oo runtii haddi aan is idhaahdo erayo ku cabir aanaan koobi karayn haddii ay tahay soo dhawayntii, marti soorkii, shirarkii kala duwanaa, hafladihii sida heerka sare loo soo agaasimay iyo sabootigii weftga iyo marti sharafta kale ee Xisbiga ee ka kala socoday gobolada kale ee carigan Boqortooyada Ingriska.
waxaa lama ilaawan ahayd casuumaddii maalintii Axadda 13/01/2014 ee ay ku kulmeen haldoorkii jaaliyadda Somaliland laguna soo dhawaynayay weftigii uu hogaaminayay guddoomiye Cabdraxmaan iyo ergaydii kale ee ka socotay magaaloyinka kale ee Ingriiska, Casuumadaas oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aan la qiyaasi karaynin oo aan iyada oo kale horay uga dhicin magaalada Brisol.
waxaa iyana xusid mudan 5 star hotel ka ay dejiyeen weftiga iyo marti sharfta kale ee ka soctay goboladda U.K oo iyana hotel kaas  la dejiyay oo ahaa goobta xaflada wayni ka dhacaysay.
Xafladdii ka dhacday habeenkii Axaddii magalaada Bristol oo aan odhan karo waxay ahayd tii ugu cuslayd ee ka dhacda U.K haddii ay tahay habka loo qurxiyay,haddii ay tahay habka barnaamijku u socday, haddi ay tahay dadwaynaha ka soo qayb galay,haddii tahay madaxda council ka Bristol, iyo xubnaha Barlamaanka Yurob ugu jira magaaladaas Bristol, ugu danbayantii waxaan odhan karaa waa xaflad si wayn loo soo agaasimay.
Waxa xusid iyo mahadnaq aad iy aad u  mudan dhamaan hawl wadeenada xisbiga waddani ee laanta Bristol aan leeyahay waxay mutaysteen bilad dahab ah oo mudan in lagu daydo sidii ay hawshaas u fulyeen.
Waxaan si gaar ah u xusayaa xubnahan oo iyaku ahaa hogaanka ama laf dhabarka hawshan
1.Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Bristol mudane Mustafe Axmed Cige
2. Odayga Xisbiga Waddani ee Bristol Mudane Xasan Xaji Haarun
3.Gudoomiyaha Garabka haweenka  Xisbiga waddani ee Brisol Layla Muse Qulumbe
4, iyo dhamaan intii kale ee heeganka ahyd intii aanu Bristol ku sugnayn
 
waxaan halkan mahadnaq aan koobi karayn u dirayaa Xildhibaanka dada yar ee degaanka Bristol ee aan odhan karo waa iftiin u soo baxay jaaliyada Somaliland ee reer Bristol oo run ahaantii qayb libaax ka qaadatay hawlaahaas waa xildhiibaan Hibaaq jaamac oo aan u rajaynayo inaan kulanka labaad aan arko iyada oo xildhibaan Baarlamaanka ka mid ah ama wasiir dawlada xisbiga shaqaalaha ee so socta ka mid ah.
Waxaan ku soo koobayaa Amaanta iyo mahadnaqa Reer Bristol WELL DONE BRISTOL, WELL DONE BRISTOL , WELL DONE  BRISTOL.
 
Subaxii Isniintii 14/04/2014 wax bilaabmay Shirarkii Xisbiga iyo Weftiga oo ah laba kulan oo ka koobaad ay soo qaban qaabisay Gudoomiyaha Garabka haweenka Layla Muse Qulmbe oo ay Weftigu kula kulmayeen Haweenka Waddani ee Bristol waxaanu ku dhamaaday guul iyo is afgarad iyo goaano lagu kala teegay in la fuliyo.
2. shirka labaadna waxaa fooda is daray weftii uu Gudoomiye Cabdiraxmaan hogaaminayay iyo hal doolkii xisbiga waddani ee Bristol halkaas oo la isku afgartay dhamaan arimihii laga wadahadlay goaanona lagu ka tegay, guulna ku dhamaaday
 
Gebo gebadii waxaa dhacay shirkii ugu mihiimsanaa ee dhex marayay xildhibaanada degaanka Bristol iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka dhacay xarunta loo arimiyo ama looga taliyo magaalada Bristol,
Waxaa shirka furtay hogaamiyaha Xildhibaanada xisbiga shaqaalaha oo isagu ka taliya magaalada Bristol Helen Holland, waxa iyana halkaas ka hadlay Ron Stone, Chris Jackson, Stone Pearce ugu danbayntina waxaa hadal aad iyo aad u qiimo badan ka jeedisay xildhibaanka dada yar ee asl ahaan ka soo jeede Somaliland Xildhibaan Hibaaq jamac.
Waxaa hadalkii la wareegay Gudoomiyaha Xisbiga waddani Mudane Cabdiraxmaan oo isagu ka war bixiyay taarikhda Somaliland iyo sababta ugu waynayad ee isku darkii keentay inay ahayd in la hello shantii Somaliyeed taas oo maanta kala tashaytay oo nin waliba intiisi u tashaday, Somliland na 1991 la soo noqotay gooni istaageedi dadwaynaha Reer Somaliland afti laga qaaday arintaas gooni isu taagah ku cadeeyeen oo in ka badan 95% ay arintaas ayideen, waxaa iyana halkaas ka hadlay Xildhibaan Naasir Xaji cali, Xildhibaan Cabdraxmaan aw xoog ugu danbayntina waxa halkaas ka hadalay Safirka wareega Kaysar Cabdilahi oo mahad celiyay xisbiga waddani oo shirkan ku soo casumay si goob jooge ah.
GOAANADA LABADA DHINAC ISLA QAATEEN OO KA KOOBNAA 7 QODOB WAXAAN KA SOO QAADANAYAA INTAN.
1. In la sii wado xidhiidhka
2. in la isku xidho labada Xisbi ee xisbiga shaqaalaha iyo xisbiga waddani
3. in la isla ee codsiga xisbiga waddani ee ah in Bristol magaalooyinka Hargaysa, Burco .Borame. Berbera. Laascaanood,iyo Ceergabo caawiso xagga dab damiska, iyo tababarkaba
4. iyo hawlo kale oo aad iyo aad u mauhim ule Somaliland.
 
Waxaan ku soo gebo gebaynayaa maqaalkan qolooyinka lahaa Cabdiraxmaan kamu qaygelin Ictiraafki sheffield waxaan leeyahay 
WAANU SOO SIDNAA XEEDHYIHII SAABKA LOO TOLAYE IDOOR SAL FUDUDAA MUU WUXUU SUGAYO DHAWRO
 
Dadwaynaha Reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa inay dhawaanaha soo socda maqli doonaan war badan oo ka farxiya oo daba socda ictiraafkii Sheffied oo uu gadhwadeen ka yahay Xisbiga Mucaaridka ee Waddani taas oo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan ku amray dhamaan laamaha Xisbiga Waddani ee U.K inay Dhexda u xidhaan sidii ay Somaliland ugu soo hoy lahaayeen guusha Xafiska Waddani ee Sheffield soo hooyay mid la mid ah sida siyaasadda cusub ee xisbigu dhigayso oo ah in la buuxiyo jagada ictiraaf raadinta ee xukumadeennu banaysay, ugu danbayantii waxaan leenahay haddii aan nahay Reer Waddani HA WERWERIN WAXBAAN KU OGAHAY WIIGAN DABADEEDE,
 
ALLA MAD LEH
 
FAISAL FARAFIDIYE
WADDANIGA DHABTA AH

Â