Xafiiska Somaliland ee UK waa mid fadhiida oo aan daboolin kaalintii uu ugu fadhiyay qarankan 24-ka sano halganka ugu jiray in uu helo aqoonsi caalamiya.

maqaal
Xafiiska Somaliland ee UK waa mid fadhiida oo aan daboolin kaalintii uu ugu fadhiyay qarankan 24-ka sano halganka ugu jiray in uu helo aqoonsi caalamiya.

Ugu horreyn ilaahey bey mahadi dhamaanteed u sugnaatey, marka xiga waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa umadda reer Somaliland iyo dhamaan inta af soomaaliga ku haddasha meel walba oo ay dunidda ka joogaan, sc wr wb. si gaara waxaan u salaamayaa warbaahinta reer Somaliland ee madaxa banaan ee ka hawl gasha guddo iyo dibadba.

waxaan Hambalyo aan lasoo koobi karin u dirayaa jaaliyadda Somaliland ee magaaladda Sheffeild. run ahaantii Qaranka Somaliland waxey u soo hooyeen Guul wax ka oola, waxey muujiyeen muwaadinnimo, taasina waxey ugu hirgashey midnimo iyo iney u halgamaan kuna qanciyaan sheffield council siddii ay uga dhaadhicin lahaayeen qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyo iney Somaliland dhameystiratey shuruudihii dal loogu aqoonsan lahaa inuu noqdo dawlad.

Safiirka Uk Cali Aadan Cawale oo deggan magaala madaxda waddanka Uk ee London oo ay degan yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo taban jeer ka badan muwaadiniintaa degan sheffield haddana guusha intaa le’ag u soo hooyey Qaranka Somaliland, intuu safiirku ka shaqeynlahaa muwaadiniinta ku nool London Midnimaddooda una jiheyn lahaa jiho qudha, kana xorroobi lahaa shaqsiyaadkan ku xeerran ee jihaddii ka lumiyey,  cali Aadan cawale isagoo London joogga hawlihiisa shaqo guddanaaya ayuu jaaliyadda reer sheffield u hambalyeyn karaayey, laakiin xaalkiisu wuxuu noqdey ” ku Qabso ku Qaddi meysidde”.
Xafiiska Somaliland ee UK waa mid fadhiida oo aan daboolin kaalintii uu ugu fadhiyay qarankan 24-ka sano halganka ugu jiray sidii beesha caalamka uga mid noqon lahaa, Cali dawlad nimada Safiir nimada waxa uu u fahmay wasiir lasii dhaweeyo oo Airoport-ka laga soo qaado ama lagaadh siiyo manaha ta uu xafiiska UK u furanyahay.
Cali waxa laga rabay in uu la yimaado siyaasad iyo qorshe cad oo uu qarankani ku guuro kuna hiigsado aqoonsi caalamiya oo ah ka ay u baahan yihiin muwaadiniinta Somaliland meel ay joogaanba.

ka midho dhalinta qaddiyadda somaliland ee sheffield council u coddeeyeen in Somaliland tahey Dawlad buuxda oo jirta, waxa libteedda iska leh muwaaddiniinta reer Somaliland ee magaaladda sheffield Mucaarid iyo Muxaafid, Rag iyo Dumar, yar iyo Weyn, ee cali yaannu waxba ku daaline jaaliyaddii london isu uruurinteedda, iyo meel u jiheynteedda haka hawlgalo, hana ka xoroobbo group kan xuurtadda ku heysta, ha noqdo safiirku mid jaaliyaddan balaadhan ee london degan mid kala shaqeeya sidii loogu dayan lahaa muwaadiniintaa reer Sheffeild, safiirku waxaan kula dardaarmayaa inuu debecsanaan iyo dhego nuglaan u muujiyo jaaliyadda balaadhan ee reer london.

ugu danbeyntii waxaan umadda reer Somaliland ugu bishaareynayaa aqoonsigaa sheffeild laga aqoonsidey Jamhuuriyadda Somaliland ma noqon doono kii kaliya insha Allah ee waa in muwaadin waliba ka hawlgallo aqoonsigaa soo carfaaya, waxaanan idiin kula dardaamayaa Midnimo.     Somaliland Guul      Somaliland Guul       Somaliland Guul.

Wabillaahi Tawfiiq.

Mahamoud Qoorgaab
London Uk
mahamoud77@hotmail.com