Xisbigii Kulmiye oo shir qabsan kari waayey cudurka hayaa ma sahlana.

kulmiye_257_250
Xisbigii Kulmiye oo shir qabsan kari waayey cudurka hayaa ma sahlana.
Kulmiye sakaraad buu la baaxaa degayaa. Qaraxa ka soo socdana ilaahay Somaliland ha ka nabad geliyo. Xeer baybti garata ku raagtaa ama midh ku jira ayey kaa saarayaan ama mid aan ku jirin bay soo gelinayaan.
Hadaba Dulmi buu la dil dilaacayaa oo labadii mujaahid ee SNM ee kaga hadhey xisbiga iyo xukuumada ayaa sidii Abdirahman Abdilqadir dhabarka laga jebinayaa … Muse Biixi iyo Mohamed Kahin. Silaanyo ayaa ku soo fasaxey ina gaafaadhi iyo Ismail Yare oo yidhi baalaha ka rifa Muse Biixi iyo Mohamed Kahin bal se aynnu eegno natiijada ka dhalata waa hadii ay shiri karaan ba. Xisbiga sanad iyo laba bilood shirkoodi dub u dhacay een ilaa maanta mudo cayimini horta sharciyan maba jiro ee xukun qar-qooshka Silaanyo awgii buu ku jiraa oon sharci la eegayn. Dulmigu markuu fara bato gondahaaga ayuu yimaadaa taasaana maanta xisbigii Kulmiye heysata oo ardeydii Jaamacada jailka ay ku jiraan … Saxaafadii labaa albaabada loo laabay iyagoon maxkamad la keenin. Silaanyo iyo Siyad bare iyo Stalin iyo Iidi Amiin iyo Jean bedel bukasa iyo jaajasko iyo Fircoon dariiq uun bay wada qaadeen ee Silaanyo ayaa ka nool ee bal loo fiirsado siduu isna aduunka kaga tago.
Madaxweyne Silaanyo waxaan goor walba leeyey Taariikhda wax weydii oo akhri si aad isu ogaato masiirka aad ku danbayn doonto. Waad iska nasan lahayd oo la hubaa ee Amina Weris baan kaa yeeleyn oon caafimaad kaaga dan ka lahayn ee lacagta uun jecel.