Muse Biixi oo Silaanyo si xun uuga nixiyey musharax nimada madaxweynaha by Abdi Mustafe

MAQAAL

Muse Biixi oo in badan u soo samrey xisbiga Kulmiye oo si walba Silaanyo isugu dayey in aan Muse marnaba xisbiga Kulmiye gudoomiye ka noqon ayaa siyaasdu wey wejiyo badantey ee akhirkii Kulmiye Muse gacanta uuga galay. Wax yaabaha xilka le ee Muse lagu sameeyey waxa ka mida in loo diidey lacagtii shir weynaha lagu qaban lahaa. Dabeed Muse ayaa soo amaahdey. Markuu Silaanyo maqlay in aan shirka la joojineyn oo Muse lacag helay ayaa Samaale la yidhi u celi lacagta. Muse wuxuu ku jawaabay horta shirku ha dhamaado markaaseynnu xisaab tami e.

Muse biixi afar sanadood wuxuu ku seexan jirey cadho iyo ciil joogta ah.

       Horta guushaa Muse Biixi gaadhey tahniyad baan u dirayaa.

 

Intaa Muse kumuu joogin ee si uu Silaanyo iyo Mohamed Biixi Yonis ba uugu quus gooyo maanta ayuu ku dhiiradey kuna dhawaaqay in uu Musharax madaxweyne noqon doono. Taas oo siyaasada xisbiga gudihiisa u gelin doonta afar kabood oo lababa dhan egayaan. intaa macna heedu waxa weeye waa la afgaran waayi siyaasada xisbiga Kulmiye marka Silaanyo iyo Samaale iyo Mohamed Biixi Yonis faraha la soo galaan musharax nimada madaxweyne. Xisbigan Kulmiye oo Silaanyo sameystey ayaa si fudud uugu wareegay Muse Biixi oo maanta aan cidna u daba fadhiisaneyn talada xisbiga. Waxaynu eeg naaba waa waxa Silaanyo iyo qoys kiisu ku soo tashadaan oo xisbigana bur-burin karta. Awooda qudha ee maanta Silaanyo gacanta uugu jirtaa waa xisbiga uu bur-buriyo wax kale oo uu qaban karaa ma jirto. Haduu Silaanyo Muse iska bar-bar sharaxo iyo haduu cid kale ku soo sameeya ba xisbiga Kulmiye wuu wafaadayaa dabeed na faataxada ayaa loo mari doonaa.

 

Wer-wer iyo walaac maanta madaxtooyada ayuu yaalaa. Waxa ka dhacdey nin ba waa mare mus kula korey. Silaanyo wuu tegayaa shaki kuma jiro ee bal turxaan in uu reebo ha laga dhur sugo.

abdi_mustafe123@yahoo.ca