Aamina Axmed Yuusuf Cali Oo Ku Guulaysatay Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Tower Hamlets London

Doorashadii golaha deegaanka ( councillors)   degmo ka mid ah magaalada London   ( Tower Hamlets Borough Councils 2014 ) ee la qabtay 22 May 2014 ayaa   waxa  ku guulaysatay inay ka mid noqoto  ( Clar, Aamina Axmed Yuusuf Cali) .

amina.ali_1-300x186

Clar . Aamina oo ka tirsan Xisbiga ( Labour party ) ayaa noqotay gabadhii soomaliyeed ugu horaysay ee ka soo baxda gobolka ama Borough Tower hamlets  oo ah meel ay aad  ugu badanyihiin dad ka soo jeedaa wadanka bangladesh oo aad isu kaashada cid kalena aan waxba uga ogolayn ayey aamina noqotay qofkii labaad ee soomaliyeed ku soo baxa councillor   Borough tower hamlets .

 

Clar. Aamina Axmed Ali oo ah Gabadh Somaliland u dhalatay  waxa hambalyeynaaya  dhammaan dad waynaha soomaaliyeed ee ku nool (tower hamlets ).

Maxamed Ismaaciil Jaamac.

London/UK

 

Â