Abdirahman is born a leader and distinguished politician

waddani

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” waa halyey Qaran iyo Hogaamiye Qaali ah oo Ilaahay hibo u siiyey  Dabeecad-wanaag iyo Astaamaha loo nisbeeyo ama lagu garto  Hogaamiyayaasha Quman ama Waaweyn  ”Good/Great Leaders”ee Ummaddahooda u horseeda Horumar iyo Barwaaqo.

Hadaba Su’aasha meesha iman karta ama la isweydiin karo  ayaa waxay tahay:  Waa kuwee Dabeecadaha, Astaamaha iyo arrimaha kale ee lagu garto hogaamiyaha wanaagsan?.
Jawaabta su’aashaas muhiimka ah waxa ay noqonaysaa: Halbeegga Caalamku isku raacsan yahay ee lagu cabiro ama qiimeeyo Hogaamiyenimada  wanaagsan laguna aqoonsado hogaamiyayaasha waaweyn waa: Tilmaamayaasha Shakhsi  ee aan ku soo bandhigay shaxanka hoose “Table No. 1”, Waaya Aragnimada Hogaamiyaha  iyo Aqoontiisa.(Waxbarsho toos ah iyo Tababaro Xirfadeedba).
 Haddii aynu intaa ka baxno una soo noqono caddaynta ujeedadada emailkan ama qoraalkan waxaynu arkaynaa haddii  aynu si deggan ugu fiirsanno  ama daraasad kooban ku samayno innaga oo  adeegsanayna  Halbeegga aan kor ku xusay si aynu ugu  qiyaasno  ama ugu qiimayno  heerka  ama tayada hogaamiyenimada  Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  waxaana aynu si fudud u helaynaa  Natiijo cad oo inoo xaqiijinaysa in Mudane Cabdiraxmaan  “Cirro” yahay Hogaamiye weyn oo ka mid noqon kara kuwa caanka ah ee Qaaradda Afrika ka soo baxa.
Bal u aad ugu Fiirso “Table” kan oo Caddaynaya  Natiijada Qiimaynta qaybta hore ee Halbeegga.
Table.No. 1
Astaamaha Hogaamiyayaasha Weyn  & in ay Cabdiraxman “Cirro”  ka Muuqdaan
 
Sn Astaamaha, Sifooyinka ama Tilmaamaha laga doonayo Ma leeyahay
1 Honest, Integrity, Commitment, Creativity, Confidence Haa √
2 Delegation, Communication, Intuition, flexibility, Participative Haa √
3 Team work  e.g encouraging collaboration and team unity Haa √
4 Visionary , striving for excellence, inspirational, charismatic Haa √
5 Humane Oriented e.g., compassionate, generous & sympathetic. Haa √
 
Haddii aynu ka gudubno Halbeegga hogaamiyayaasha qaybta koowaad oo ah Astaamaha shakhsiga ah ama Tilmaamayaasha “Table” ka sare ku muujisan una gudbno   qiimaynta ku saabsan Waaya Aragnimada iyo Aqoonta  waxaan muran ku jirin in Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” leeyahay Aqoon iyo Waayo Aragnimo Nus Qarni ka badan oo aad u balaadhan  kuna saabsan hogaaminta suubban  iyo maaraynta hawlaha  Bulshada iyo Mushkiladaha la xidhiidha .
Haddii aynu dib u eegno ama u dhabo galno dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey waxaynu si sahlan u ogaan karaynaa in Mudane Cabdiraxmaan leeyahay Aragti fog helayna Waaya Aragnimo muhiim ah, Guulona ka gaadhay hawlgal kasta oo uu ku dhaqaaqay  ama  sameeyey isla markaana ku kasbanayey taageerada shacbiga Somaliland. Haddii aan in yar ka tilmaamo Mudane Cabdiraxmaan waa Hogaamiye Waaya Arag ama Rug caddaa ku aha arrimaha Dimoqraadiyadda JSL iyo  Nidaamka Axsaabta Badan waxaanu  guulo is daba jog ah u soo hooyey Shakhsiyan, Xisbigiisii hore ee UCID iyo Xisbiga Waddani ee uu hadda Guddoomiyaha ka yahayba iyo  dadka ama Bulshada tartankasta oo lala galo Isaga dooranayey.
Wuxuu ka soo bilaabay Xildhibaan iyo Xisbiga UCID waxaana ku Xigay Gudoomiye iyo Xisbiga Waddani. Waxaa u dhaxeeyey Guulo iyo Waayo Aragnimo xiisa badan oo uu ka helay walina u socota oo ku saabsan Golaha Wakiilada JSL.. Mudane Cabdiraxmaan wuxuu ku guulaysatay Guddoomiyanimada Golaha Wakiiladda JSL  September 2005. Dadku aad uguma fiirsadaan ee hogaaminta Golaha Wakiiladda JSL oo la aaminsan yahay inay tahay hawsha ugu adag JSL taas oo uu si hal abuurnimo ah Gudoomiye Cabdiraxmaan u hogaamiyo maadaama oo Goluhu ka kooban yahay saddex Xisbi Qoran  had iyo jeerna  Xukuumadduhu  fara galin toos ah iyo mid dadbanba ku hayeen. Guddoomiyuhu wuxuu ku guulaystay isaga oo aan haysan  Awood dhaqaale in uu Xildhibaanada Awoodda Xukuumaddu ka dambayso ee tirade ugu bandanna ku leh Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada kaleba had iyo jeer raali ka noqdaan kuna taageeraan Hogaaminta Mudane Cabdiramaan.
Hogaaminta Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” ee  Golaha Wakiilada waxay suuro galisay in Xeerar iyo Shuruuc Muhiim ah loo dejiyo Qaranka( Inkasta oo qaarkood fulintoodu aanay xagga xukuumadda ka hir galin oo Xukuummadda Waddani ee Mustaqbalku fulin doonto).
Haddii si kale loo dhigo  markaad daristo Hogaaminta Mudane Cabdiraxmaan  ee  u saabsan habka iyo Hanaanka uu u Maamulo muddo 10 sanno ku dhowna hogaanka ugu hayey iyo sida uu isugu hayo Golaha Wakiilada ee ka kooban Axsaab kala duwan iyo waliba Xubnahaas oo leh Dano shakhsiyeed ama Beelo kala duwan waxaan shaki ku jirin in aan laga helayn hogaamiyayaasha Somaliland ama xitaa Somalida kaleba  Hogaamiye u dhigmi kara Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”
Mudane Cabdiraxmaan wuxuu Guulo isdaba Joog ah iyo taageero Bulsho oo balaadhan u soo hooyey ilaa hadda ku timaadda Hogaamintiisa Xisbiga Wadani . Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Waa Hogaamiye dantiisa iyo Tu kaleba ka hormariya danta Qaranka JSL taas oo ah Astaan lagu yaqaanno Gudoomiyayaasha Waawayn ee Caalamka soo maray.
Waxaan ku soo gebebaynayaa Qoraalkan Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL waa Hogaamiye Saaxiibo Caalamiya kasbaday  waana hogaamiye Gudaha iyo Qurbahaba laga jecel yahay oo “Born a Leader and Distinguished Politician” ah lana saadaalinayo inuu si weyn ugu  guulaysan doono Doorashada Madaxtooyada JSL ee Sannadka 2015.(Haddii Ilaahay Idmo).
 
 
Axmed Naasir Xirsi
Bristol, UK