“Adeer, Safarkayagu Maaha Mid Siyaasi ah, Waxaanu U Nimid Somaliland Saddex Arrimood” Midkamida Odayaal Dhaqameed Tirabadan Oo Hargeysa Ka Soo Degay.

 (SM-Hargeysa) – Magaalada Hargeysa, ayaa waxa shalay galinkii dambe soo gaadhay Odayaal dhaqameed tiro badan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Odayaashan oo ka socda beesha Hawiye isla-markaana malintii shalay  ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa ah odayaal dhaqameed ay maalmihii u dambeeyay ay saxaafadda Somaliland siyaabo kala duwan uga waramayeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland.

 

Madax-dhaqameedkan oo tiradoodu gaadheyso ilaa kotomeeyo, waxa   markii ay   ka soo daggeen garoonka diyaaraha ee Cigaal, aan la hadal saxaafadda isla-markaana aan faahfaahin ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho, hasa-ahaatee xubin ka mid ah Madax-dhaqameedkan oo saxaafaddu heshay ayaa si kooban uga waramay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay in safarka ay ku yimaadeen Hargeysa uu ka madhan yahay siyaasad “Adeer, safarkayagu maaha mid siyaasi ah, waxaanu u nimid Somaliland saddex arrimood, inaanu ugu hambalyeyno wixii ay qabsadeen reer Somaliland, inaanu ka baranno wixii ay dhisteen iyo inaanu ku biirino wixii aanu talo haynno” ayuu yidhi, Xuseen Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ee Hargeysa ku yimid safarka, waxaanu intaasi ku daray “Saddexdaa shay ayaanu u nimid, safarkayaguna siyaasad wuu ka madax banaan yahay..”

Xuseen Xasan, waxa uu sheegay in mudada ay dalka ku sugnaanayaan ay la kulmayaan Madax-dhaqameedka iyo Guurtida Somaliland “Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somalilandna kulamo ayaanu la yeelan doona..” ayuu yidhi.

Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in ilaa Khamiista maanta ay xukuumaddu ka hadasho..

Salaanmedia/Hargayaa