Baashe Cawil ( Morgan ) xilkuu xukuumada u hayaa muxuu yahay by Abdi Mustafe

MAQAAL

Silaanyo nidaamkii faqashtii ee afweyne Morgan oo gabadh ka qaba uu awooda badan siiyey oo kale ayuu istic maalayaa

Wiilkan wufuuda raaca ee raxan wasiira ah iyo haya’do u kaxaysta magaaladii uu ka soo jeedey wari-cimraan ee Somaliland kaga qaaaaaaaq siiyey xilka uu dalka ka hayaa muxuu yahay.

Garanay oo Silaanyo aya sodog u ah Amina Weris na waa sodohdii in uu awood badan istic maalona fahanay. Body Guards in ay ilaaliyaan na aragnay ee hadaba waxa is weydiin mudan xilka uu xukuumada u hayaa muxuu yahay.

 

Runtu waxay weeye wax xila kuma maga cawna ee madaxweynaha ayuu xidid la yahay. Hadaba xaq miyaa in uu awooda intan leeg yeesho …. waa maya.
Silaanyo iyo Amina Weris dariinta aan u dirayaa waxa weeye inanakaa shicibka Somaliland wey naceen raalina kama aha idina waa ku ceebeysantiin ee ma waxaa garan weydeen iska fogeeya. Bal musuq maasuqa intaa leeg ee inanakaasi dowlada uugu xoog weynyey eega dadow. Isaga ayuu ahaa qofka Haatuf al-baabada isugu dhuftey. Odey iyo islaan gaboobay ayuu mutacalim isaga dhigaa oo ku indh-kuusha

Inamadii Silaanyo dhalay iyo hablihii toona laga caban maayo ee Morgan baa shicibku cabatin dheer ka muujiyeen. Hadii Morgan uu Silaanyo aabo u yaay lamaan yaabeen. Laakiin wiil yar oo gabadh kaa qabaa sumcadaada iyo ta qoys kaagaba ha dilo waa mucjiso. Silaanyo iyo Amina Weris miyaanay ogeyn goor ay noqotaba in ay madaxtooyada ka bixi doonaan. Markaa ma waxay ku talo galeen in aanay Somaliland qoyska silaanyo dub uugu noolaan ileyn hadhow shicibkii ay waxoodii qaateen baa raaxada ka qaadi doona oo meel ay istaagaan bay waayi oo weliba garaac loogo dari. Ma Morgan baa isagoo keligii ah Hargiesa dhex mari mise Amina Weris baa tax-taxaashi iyadoon cidi waxba u diran….Caqliga saliimka aha baa taa diidaya oo kuwa gidaarada jiifa ee waxoodii madaxtooyada lagu jaqayo ayaa hadow ku soo toosi oo joog iyo jiif ba u diidi.