Banaanbax maanta ka dhacay Barxadda Iskaashatada ee Magaalada Muqdisho iyo fariin loo diray Baarlamaanka Soomaaliya.

NEWS N

 

Macalimiinta Iskuulada loogu magac-daray “Aada Dugsiyada”, ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay isbiirsadeen baahiyo kala duwan.

Macalimiinta oo banaan baxoodaan ka dhigay Barxadda Iskaashatada ee Degmada Xamar Weyne, ayaa waxay halkaasi ka akhriyeen warqad ay ku qoran tahay waxyaabaha ay ka cabanayaan.

Cabashada Macalimiinta

1: Mushaar la’aan joogto ah
2: Agab la’aan sida Korontada iyo Biyaha IWM
3: Wadashaqayn la’aan Wasaarada iyo Aada Dugsiyada
4: Wasaarada oo dhowr mar ku cel celisay inay bixisay mushaarka Shaqaalaha Aada Dugsiyada, muddo 9biloodna aan la siin wax mushaaraad ah
5: Aqoonsi la’aan sida ID Card iyo wixii lamid ah
6: Agaasimayaasha qaar oo ay u furan yihiin Dugsiyo gaar ah, oo ay iyagU lee yihiin

Sidoo kale waxay sheegeen inaanay sii shaqayn karin, iyadoo aan si deg deg ah wax looga qaban, waxyaabaha ay Sabtida maanta ah muujiyeen, in ay ka cabanayaan.

Dhanka kale waxay ugu baaqeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, in ay ka hadlaan dhibaataa ka aloosan Barnaamijka Aada Dugsiyada, oo Wasaarada Waxbarashadagu eedeeyay in ay xagal daacin ku heyso.

Barnaamijkaan, ayaa waxaa dhaqaalo ku bixiyo Hay’adaha Qaramada Midoobe ee ku shaqada leh, iyadoo Xukuumada marar kala duwan lagu dhaliilay in ay indhaha ka fureysatay baahida ka jirta Barnaamijka Aada Dugsiyada.

Salaanmedia/Mogdisho