Banaanbax weyn oo Madaxweynaha Soomaaliya lagu taageerayo oo qaban-qaabadiisa ay Muqdisho ka socoto

image

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka la xiray, iyadoo la qaban qaabinayo banaanbax weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Nawaaxiga Wadooyinka soo gala Stadio Conis ee Degmada C/casiis ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo badan oo Dowladda ka tirsan, kuwaasi oo xiray wadooyinka, halkaasi mara.

Banaanbaxaan oo hada qaban qaabadiisa ay socoto ayaa waxaa lagu qabanayaa Stadio Conis Degmada C/casiis, halkaasi oo ay hada ku sugan yihiin boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo umuuqda in lasoo abaabulay.

Dadka Banaanbaxa lagu wado inay ka qeybgalaan ayaa waxaa laga soo kala aruuriyay Degmooyinka Gobalka Banaadir, waxaana ay wataan sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ammaanka xarunta Stadio Conis ee Degmada C/casiis ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana goobta buuxa ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaraya dadka gudaha ugalaya xarunta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalayo banaanbaxani, oo uu shacabka kula hadli doono barxada weyn ee kubadda Cagta Stadio Conis.

Banaanbaxaan ayaa lagu muujinaya taageerada Madaxweynaha, iyadoo looga soo horjeedo hadalkii kasoo yeeray xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka ee ahaa inuu iscasilo Madaxweynaha.

Saacadaha soo socda ayuu bilaaban doonaa Banaanbaxa,wixii faah-faahin ahna Wararkeena dambe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa.

Salaanmedia/Mogdisho