CAASIMADA LABAAD EE SOMALILAND “BURCO” OO LA IL DARAN MAAMUL XUMADA DAWLADA HOOSE

CAASIMADA LABAAD EE SOMALILAND “BURCO” OO LA IL DARAN MAAMUL XUMADA DAWLADA HOOSE

Waxaa mahad leh ilaahay (SWT) marka labaad waxaan umahad celinayaa saxaafada Somaliland ee markasta utaagan gudbinta wararka bulshada.

Waxaan halkan kalmado kooban oo xaqiiqda ku salaysan kusoo bandhigayaa maamul xumada, aqoon darada, iyo karti la’aanta ay burco ka heshay dawlada hoose iyo muuqaal xumada ka muuqata wadooyinka halbowlaha ah ee caasimada labaad ee Somaliland “burco”.

Sida ka muuqata muuqaalka waxaad ku aragtaan wadadii ugu horeysay ee 1 klm ka yar ee dawlada hoose ee burco sheegato inay dhistay kuna qarashgaraysay lacag dhan $110.000 USD (boqol iyo toban Kun oo dollar) taas oo manta oo taariikhdu tahay 10/May/2014  gebi ahaanba roobkii saacadaha hayay magaalada qaaday oo daadka ku daray meeshina noqotay BALI (dhaam biyood) oo kale.

Dhammaan bulsho weynta reer burco waxaa ucadaatay in lagu khasaaray dawlada hoose ee burco gobolkana ay u horseeday dibu dhac aad u baahsan oo ah dhanka wadooyinka iyo bilicda magaalada.

LA TALIN:

Waxaa manta sharaf weyn unoqon lahayd masuuliyiinta dawlada hoose ee burco iyagoo ku dhawaaqa “IS CASILAAD” sidaas oo ah talaabada ugu haboon ee hogaamiyaha wanaagsani qaado.

Waad Mahadasantihiin

Allaa Mahad Leh

Burao – Somaliland

By: Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com