Cabdi Wali Gaas oo ka Warbixiyay Kulamo Uu La Qaatay Madaxda Dalka Yaman

07,May,2014(SM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland,ayaa ka warbixyay Kulamo uugaadMaalmihii Dhawaa lahaa Madaxda sar sare ee Dalka Yaman.Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Kulamadaasi ahaayeen sida uu Yidhi qaar aad u qiimo badnaa.lagagana wada-hadlay Xidhiidhka labada dhinac iyo Sidii loo sii Xoojin lahaa iyo Mashaariic kala duwan Dawladda Yaman ay ka Hirgalinayso Dhulka Maamulkiisa.

Waxa kale oo sheegay inay isla soo qaadeen Madaxda Dawladda Yaman Muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado Lada gaalanka Argagiixisadda.

Waxaana uu Madaxweynhu sidaas ku Sheegay Qoraal uu soo Dhigay barta Xidhiidhka Bulashadda ee Facebook.waxaana uu u dhignaa sida tan: “Kulamo qiimo badan oo aan la yeelanay Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Yemen waxaanu si gaara uga wadda hadalnay Arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin :-
Adkaynta Xidhiidhka ganacsi iyo kor u qaadista la dagaalanka argagaxisadda ee labada dal iyo inaan iska kaashano sidii aanu horumar buuxda uga samayn lahayn dhanka iskaashiga caalamiga ah ee labada dal. waxaanay noo balan qaadeen inay mashaariic qiimo badan ka fulin doonaan Dalka Puntland qaybo ka mida kuwaas oo aanu kala saxeexanay wasiirka arimaha dibadda ee dalkaas yemen Dr. Abu-Bakr Abdullahi Al-Qurbi,
kulamadaas qiimaha badan oo ahmiyadoodu ahayd inaanu dalka yemen sii xoojino xidhiidhka naga dhexeeya ee dhan walba leh, waxaan sii wadi doonaa inaanu la yeelano kulamo kale madaxda Dalkaas Yemen “

Abdiweli M A Gaas
Madaxwaynaha Puntland