CASUMAD XAFLADDA 16 MAY EE BRISTOL OO AH DABAALDEGII MAALINTA QARANNIMADA SOMALILAND

Somaliland

Waxaan halkan ka salaamayaa shacabwaynaha reer Somaliland debad iyo gudeba, waxaannaan ku salaamayaa salaanta islaamka ee ASALAMU CALAYKUM.

 
Waxaa magaalada Bristol ka dacaysa xaflad loogu dabaaldegayo malinta qiimaha wayn u leeh shacabwaynaha Somaliland ee 18 ka may oo ah malintii qaranka Somaliland [ Somaliland National day 18 May ].Maalintaas oo ah malin qadarin iyo qiimayn wayn inaga mudan,
Xafladaas waxaa ka soo qaybgeliya haldoorka Somaliland ee U.K, Aqoonyahano, Xildhibaanada deeganka ee Bristol, Salaadin, Siyaasiyiin, Xildhibaano deegan [ Councelers] Europe, Saraakiishii hogaaminaysay Halgankii SNM, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Xafladan oo laba qaybood ah,
1. Qaybta kowaad waxay ka dhacaysaa aqalka looga taliyo magaalada Birstol [ Bristol city council house ] halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan arimo ina farax geliya dhamaanteen haddii aynu nahay reer Somaliland,
Taarikhda : 16 May 2014
Maalinta :  Jimcaha
Saacada : 12 am {12 duhurnimo}
Address :  Bristol City Council house
                Bristol
                BS1 6NJ
 
2. Qaybta labaad oo iyadu dhacaysa habeen nimada oo ah qaybtii dabaaldeg ah, waxaanay ka dhacaysaa Hudheelka Caanka ah ee Brisol Hilton Hotel
Taarikhda : 16 May 2014
Maalinta   ; Jimcaha
Saacada   ; 07;00 pm [ 07;00 Habeenimo]
Address     ; Hilton Hotel 
                   Bristol
                   BS1 5TR
 
Waxaa dhamaan jaaliyada Somaliland ee U.K lagu casumayaa inay ka soo qaybgalaan Xafladaas qimaha badan leh ee 16 May ee magaalada Bristol oo aan odhan karo waa mid si  heersare ah loo agaasimay ee yaanay ku dhaafin.
 
Wixii tafaasiil ah kala xidhiidh
1. Xildhibaan Hibaaq Jaamac Telif. 077 867 329 45
2. Aniis   Telif.   075 772 607 03
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal Farafidiye               

Â