Daawo Sawirada Mataano Mucjiso ah oo ku dhasay iyaga oo wadaaga hal jir hadana leh labo Maskax

Iyada oo awooda Allah aysan aheyn wax lala yaabo hasa yeeshee ku cibra qaadasha u baahan, ayaa waxaa dalka Australia ku dhashay laba gabdhood oo leh jir hal ruux oo kale hasa yeeshee leh laba maskax iyo laba waji .

Renee Young oo ah hooya horey u dhashay 7- caruur ah ayaa mataanahan Mucjisadaha dhashay sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiir ku sugan isbitaal caruurta loogu tala galay oo Sydney ku yaalla.

Caruurtan Matanaha Mucjisadah ayaa la sheegay in ay u neefsanayaan si caadi ah sidoo kale wax u cunayaan , waxaaana hada lagu baxnaaninayaa noloshooda isbitaalka kuyaala Magaalada Sydney

Xaalada nuucaan oo kale ah ayaa la sheegaa in loogu yeedho diprosopus, maadaama inta badan jirka ay wadaagaan maskaxdana ay laba ruux ahaan u sameysanyihiin.

Renee oo ah hooyada caruurtaan iyo seygeeda Simon Howie oo ku farxay caruurta u dhashay ayaa hadana ka walaacsan sida caruurtaani ay kusii noolaan karaan iyaga oo caafimaad qaba.

Salaanmedia/Moqdisho