Daawo Sawirada R/Wasaaraha Somalia oo Daahfuray Barnaamijka Adeega Caafimaadka Aasaasiga ee Dalka

Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku lagu Daahfurayey Barnaamijka Adeega Caafimaadka Aassaasiga,waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galay Masuuliyiin ka trisan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed,Wasiiro Xildhibaano,Maamulka Gobolka Banaadir,Hayadaha Samafalka ee Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha,Ururada Bulshada qaybahooda kale Duwan iyo Marti Sharaf kale.

Waxaa Warbixin ku saabsan dhibaatada Caafimaad ee Dalka ka jirta halkaa ka soo jeediyey Cabdi Faarax Maxamed oo ka socdey Wasaaradda Caafimaadka,waxaana uu sheegey in Shacabka Soomaaliyeed intooda badan aysan haysan Adeegyadii Caafimaad ee Aasaasiga ahaa gaar ahaan Hooyada iyo Dhalaanka, waxaa kale uu sheegey in Barnaamjkaan laga hirgelin doonop ilaa Sagaal Gobol oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya 

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid Safiirka Uk ee Soomaaliya Neil Wigen oo sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo Barnaamjikaan Daaha loogu furayo Caafimaadka Aasaasiga ee Dala, isagoo sheegey in Dowladiisa ay gacan ka geysan doonto sidii iuu u dhaqan geli lahaa ama uu u fuli lahaa Barnaamjkaas oo uu sheegey in uu Faaiido weyn uu ugu fadhiyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Hooyada iyo Dhalaanka

Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Safiirada Wadamada Sweden iyo Yaman waxayn ugu horeyn u Mahadeceliyeen intii isku soo dubaridey Barnaamjkaan lagu hormarinayo Adeegii Caafimaad ee Dalka oo ay sheegeen in ay ku Burbureen Dagaaladii, waxayn kaloo sheegeen in ay Gacan ka geysan doonaan sidii uu Barnaamjkaa uga hirgeli lahaa Goboladda Soomaaliyaa .

Canab Xasan Cilmi oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo halkaa ka hadashey waxay u Mahadcelisey Wasaarada Caafimaadka iyo Hayadaha kale ee ka qayb qaadanaya Dhaqan galka Barnaamjkaas kor loogu qaadayo Adeega Caafimaadka gaar ahaan Hooyada iyo Dhalaanka waxayna ka Codsatey Hayadaha ka qayb qaadanaya in ay ka dhabeeyaan Barnaamjka Hirhelintiisa oo ay sheegtey in uu yahay mid Qiimo ugu fadhiya Shacabka Soomaaliyeed .

Mauaasabadaa lagu Daahfurayey Adeega Caafimaadka dalka ayaa waxaa ka Hadley Wasiirada Arimmaha Diinta iyo Owqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirka Tacliinta Sare Ducaale Aadan iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Dr Axmed Aadan waxayna Dhamaantood Sheegeen in Barnaamjkaan lagu hirgelin karo iyadoo iskaashadaan Wasaarada Caafimaadka , Hayadaha Samafalka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii Waxaa BarnaamIjkaa kor loogu qaadayo Caafimaadka Dalka Daahfurey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo ugu horeyn u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Barnaamjkaas oo uu sheegey in uu yahay mid Faaiido ugu Jirta Dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegey in Dowlada ay la socon doonto qaabka uu u hirgalayo Barnaamjkaas lagu Daafurayo Adeegyada Caafimaad ee Aasaasiga.

Daahfurka Barnaamijka Adeega Caafimaadka Aassaasiga ee Dalka ayaa Ujeedkiisu yahay in marka hore la Hagaajiyo Adeegyada Caafimaad ee dalka , sidoo kale waxaa ka mid ah in la Mideeyo ama la Qeexo Adeegyada Caafimaad ee kala Duwan,Wxaa kale Ujeedkiisu yahay in la Cadeeyo Masuuliyadaha kala duwan ee ay kala leeyihii Hayadaha loo idmadey Barnaajkaan, Ujeedooyinkiisa kela waxaa ka mid ah in la soo celiyo Hanaankii Dowladnimo ee Caafimaad iyo in la Caddeeyo kaalinta ay Bulshada ku leeyihiin Barnaamjkaan 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk








Â