Daawo Sawiro. Caasimada Hargaysa oo laga hirgaliyey garoon casriya oo kubada lagu ciyaari doono.

(SM-Hargaysa) – Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa laga hirgaliyay garoonkii ugu horeeyay ee leh rooga dooga ardafiishalka ah, garoonkan oo laga hirgaliyay Xaafadda Jig-jiga yar, waxaana hirgaliyay garoonkan Xasan Warabacadde oo muddu dheer ku hawlanaa arrimaha wax u qabashada ciyaaraha.

Ka Bilow Midig, Muxuyadiin, Xasan Warabacadde Iyo Maxamed Ismaciil.

 Munaasibadii garoonkan lagu furaayay waxaa ka qaybgalay, Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, Cali Siciid Raygal wuxuuna Wasiirku bogaadiyay muwaadin Xasan Warabacadde oo isagu hawshan fuliyay, wuxuuna Wasiirku ugu baaqay bulshada kale inay ku daydaan oo dalka ku soo kordhiyaan horumar la taaban karo haba yaraate.

Isla Galabta markii garoonka la furay, waxaa ka qabsoomay ciyaaro goos goos ah oo kala gedisan, geesta kale garoonkan ayaa waxbadan ku soo kordhin doona arrimaha ciyaaraha, iyadoo dhalinyaraddu si weyn u soo dhaweeyay.

Salaanmedia/Hargaysa