Home Wararka Daawo Sawiro…Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalkan Ingiriiska Muj Axmed Xaaji...

Daawo Sawiro…Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalkan Ingiriiska Muj Axmed Xaaji Cumar Sangoore oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.

sangore2Sangoore

London,(SM)-Ahmed Omar Sangoore oo ahaa Mayarkii Tower Hamlets ee bariga magaalada London, sidoo kalena ahaan jiray wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingriiska, ayaa shaaca ka qaaday mar uu saxaafada kula hadlay magaalada London, waxa uu daboolka ka qaaday in uu u sharaxanyahay jagada madaxweyna’nimada ee xisbiga Kulmiye.

sangore3

Mr Axmed Haji Omar Sangoore oo arintaasi ka hadlaaya ayaa sheegay in uu aad ugu farxsanyahay in uu ka qayb qaadan doono musharaxnimada uu xisbiga Kulmiye ugu loolamaayo jagada musharaxnimada ee xisbiga Kulmiye taasi oo uu sheegay in uu la tartami doono cid alaale iyo cidii xisbigaasi iska soo sharaxda waxana uu sheegay in arintaasi u gudbiyay xisbiga Kulmiye.

sangore1

Waxana uu sheegay in uu dalka Somaliland uu gaadhsiin doono, horumar dhan walba leh iyo in uu ka shaqayn doono sidii dalka Somaliland aqoonsi buuxa ay caalmka uga heli lahaayeen isaga oo sheegay in taasi ku fashilmeen madaxdii hore ee dalka ka soo talin jirtay ama kuwa jooga hadaba ha noqdaane.

DSCN1358

Mr Sangoore ayaa xidhiidh fiicna la leh dalal badan oo caalamka kuwaasi oo uu sheegay in uu si fudud oo sharaxaad wanaagsan ah uu qadiyada Somaliland uga dhaadhacin doono.

unnamed

Dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Muse Bixi Cabdi ayaa doraad daboolka ka qaaday in uu isna isla xisbigaasi uu u taaganyahay in uu musharaxa madaxweynanimada ee xisbigaasi u tartamo, lama oga ilaa hada in madaxweynaha xiligani talada haya mudane Axmed Siilaanyo uu isi soo sharaxi doono mar kale.

Sida sawirka ugu danbeeya aad ka aragto Mudane Sangoore waxa uu ma mid ahaa wakhtigii halkankii SNM ragii qaybta weyn ka qaatay xaga arimaha dibada sida uu sheegay mar uu ku sugnaa dalkan Ingiriiska oo uu hiil iyo hooba la garab taagnaa kana shaqeeyey hawlo badan oo ku saabsan sidii SNM ay u guuleysan lahayd.

Salaanmedia/London