Daawo Sawiro..Ururka Horumarinta ee Hablaha Garoodi oo 5 Sano jirsaday iyo kulan lagu xusaayo oo London ka dhacay.

IMG_0210

Kulan aad u balaadhan oo ka dhacay galbeedka magaaladda London laguna maa-muusayey  shanti sano ee mashruuca Hablaha Garoodi la asaasay.

IMG_0132

Kulanka oo ay kazoo qayb galeen Haween aad u fara badan oo kazoo kala baqoolay daafaha dalkan Ingiriiska iyo Yurubba. Xaflada oo aad losoo agaasimay ayaa ugu horeyn wax aka hadlay Gudoomiyaha Ururka Hablaha Garoodi Marwo Maryan Xaaji Faarax Cilmi oo ugu horeyn aad ugu mahad celisay dhamaan Haweenka Kulanka kazoo xaadiray,

IMG_0172

Waxa ay ugu horeyn warbixin dheer kaga warantay asaaska Ururka Hablaha Garoodi oo caawa shan sano jirtaday loona dabaal-degaayo iyo intii Ururkani jiray waxa uu qabtay oo aad u balaadhan, Waxa kale oo ay ka warantay hiigsiga sanadaha soo socda hadii Ilaahay yidhaahdo iyo waxa ay qaban doonaan.

IMG_0116

Marwo Aasiya Faarax Muuse waa Gudoomiye kuxigeenka Ururka Hablaha Garoodi,iyaduna waxa ay aad ugu dheeraatay  wax qabadka Ururka Hablaha Garoodi shanti sanadood ee ay jireen oo aad u balaadhan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin,Caafimaadka ,Waxbarashada iyo hawlaha bulshada oo ay hiigsanayaan in ay wax ka qabtaan. Waxa sidasoo kale ay sheegtay in Magaaladda Salaxlay ay dhawaan ka dhiseen dhakhtar weyn oo aad u balaadhan loona sameeyey adeeg aad u wacan.Waxa kale oo ay Aasiya sheegtay in dhawaan  ganacsatada u dhashay degaanka Salaxley ay dhawaan Hotel ka dhisi doonaan si bilicda iyo horumarka qayb weyn ka qaato.

IMG_0108

Waxa kale oo kulanka debaad-dega sanad-guurada shanaad ee kazoo wareegtay aasaaska Ururka Haweenka Garoodi ka hadlay haween aad u farabadan oo xafladda kazoo qayb galay oo isugu jiray Madaxda Ururka iyo Haween kale oo qadhaan ka ku deeqa si ururku uu usii hano qaado. Waxa kale oo ay xuseen una mahad celiyeen dhamaan Haweenka ka qayb qaatay dhaqaalaha lagu dhisay mashruucyadda Somaliland uu ururku ka dhaqan galiyey oo ku kala nool dhamaan daafaha dunida. Waxayna ku baaqeen in ay sii laban-labaan tageeradda ay u fidiyaan Ururka Hablaha Garoodi.

IMG_0187

Waxa ay dhamaan Haweenka Ururka Hablaha Garoodi oo xafladda hadalo kazoo jeediyey ayaa dhamaantood aad uga hadlay muhiimadda Ururkani uu u leyahay shacabka reer Somaliland iyo gaar ahaan degaanka ay kazoo jeedaan ee Garoodi. Waxa ay soo qateen himilada ay hiigasanayaan oo ay doonayaan in ay sare u qadaan arimaha Bulshada oo ah laf-dhabarta shacabka.

IMG_0136

Ururka Haweenka Garoodi waxa uu ku talaabsaday hourmar la taaban karo,waxa ay mashruucyo waaweyn ka dhiseen degaanka Salaxlay iyo meelo kale oo ka tirsan degaanka ay kazoo jeedaan Hablaha Garoodi, Waa Ururka ugu balaadhan eek a jira Somaliland oo ku talaabsaday waxqabad la taaban karo. Waxa kale oo ay aad u soo dhaweeyeen dhamaan mashruucyada dib uu dhiska ka socda Somaliland gaar ahaan waxa ay tageero usoo jeediyeen sidii ay u tageeri lahaayeen dib-u dhiska wadada Cerrigaabo iyo Burco oo ay ku tilmaameen laf dhabarta iyo isku xidhaka Bariga Somaliland iyo galbeedkeeda.

IMG_0159

Dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa muhiima in la tageero horumarka noocan oo kale ah ee dib-udhiska dalka gaar ahaan arimaha Bulshada oo ay laf-dhabarta nolosha bini’aadamka.Ururkan Hablaha Garoodina waxa uu kaga jiraa xaga hore ururada Somaliland ka jira eek u talaabsaday horumar weyn.

Xamse Axmed Salaan

London

www.Salaanmedia.com

IMG_0173 IMG_0172 IMG_0171 IMG_0169 IMG_0167 IMG_0184 IMG_0183 IMG_0181 IMG_0175 IMG_0174 IMG_0165 IMG_0163 IMG_0159 IMG_0158 IMG_0154 IMG_0151 IMG_0149 IMG_0144 IMG_0143 IMG_0141 IMG_0137 IMG_0136 IMG_0134 IMG_0133 IMG_0132 IMG_0129 IMG_0128 IMG_0127 IMG_0126 IMG_0125 IMG_0121 IMG_0120 IMG_0119 IMG_0118 IMG_0117IMG_0114 IMG_0113 IMG_0190 IMG_0188 IMG_0187 IMG_0186 IMG_0185 IMG_0207 IMG_0193 IMG_0200 IMG_0213 IMG_0212 IMG_0211 IMG_0210