Daawo Sawiro iyo warbixin…Xaflad ilyartu is qabatay oo ay qabsadeen xisbiga UCID laguna soo dhaweynaayey madaxda ugu sareysa ee xisbiga.

Kulan aad u balaadhan oo ka dhacay galbeedka magaaladda London oo ay soo abaabuleen Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID ayaa xalayto ka dhacay London,Kulanka oo ay soo buux dhaafiyeen tageerayaal aad u fara badan oo ka kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska. Xafladda oo si aada losoo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay bulshadda qaybaheeda kala  duwan ,Odayaal,Haween,Aqoonyahan iyo madax fara badan oo ka tirsan madaxda Xisbiga UCID  oo isugu jira  Haween iyo Rag.

IMG_7509

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladda oo ujeedadeedu ahayd soo dhaweyn madaxda ugu sareysa ee xisbiga UCID oo maalmahanba ku suganaa dalkan Ingiriiska oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha 3aad ee Xisbiga UCID Muj Cali Guray.

IMG_7507

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladda oo ugu horeyn lagu furay Aayado Quraana waxa ugu horeyn lagu soo dhaweeyey Haweenkii soo abaabulay xafladda oo aad ugu mahadceliyey dadweynaha ama tageerayaasha Xisbiga UCID sida quruxda badan ee ay usoo buuxdhaafiyeen,Waxa kale oo ay ka hadleen ujeedada xafladda losoo abaabulay oo ay ku sheegeen soo dhaweyn madaxda Xisbiga UCID,Waxa kale oo ay aad ugu mahadceliyeed madaxda Xisbiga UCID oo shaqo weyn u qabtay shacabka reer Somaliland gaar ahaan tageerayaasha xisbigaba.Waxayna guul u rajeeyeen in xisbigu uu adafkiisa gaadhi doono.

IMG_0006

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo ka hadlay marti sharaf kale oo aad u fara badan oo isugu jiray Suldaanka Qurba jooga Somaliland,Odayaal kale oo aad looga yaqaano dalkan Ingiriiska,Madax fara badan oo ka tirsan xisbiga UCID iyo Haween oo dhamaantood aad ugu mahadceliyey dadkii ama Haweenkii soo abaabulay xafladda Qurux badan iyo dedaalka uu xisbiga UCID  ku talaabsadayba.

IMG_0003

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa intii aan lagu soo dhaweyn kulanka madaxda ugu sareysa xibiga laga soo jeediyey Maanso Gabay ah oo macno farabadan sameyaysay iyo tageerayaal fara badan oo xaflada aad u taageeray hogaanka iyo horumarka ay wadaan Xisbiga UCID. Waxayna dhamaan guul u rajeyeen in ay ku guuleystaan hogaanka Sare ee dalka.

IMG_7483

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyn waxa lagu soo dhaweeyey mid-mid madaxda ugu sareysa ee Xisbiga oo ugu horeyn Gudoomiyaha 3aad ee Xisbiga UCID Muj Cali Guray uu khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kusoo bandhigay,Waxa uuna ugu horeyn aad mahadneq ugu soo jeediyey Haweenkii xaflada soo abaabulay iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatayba. Waxa kale oo uu ka hadlay arimaha Somaliland iyo xukumadda uu hogaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay dawladii ugu xumeyd ee abid soo marta dalka Somaliland isagoo farina u diray shacabka reer Hargaysa oo uu ku sheegay in ay ahaayeen laf dhabartii ka danbeysay guushii Xibiga Kulmiye in ay wakhtigan tahay markii UCID oo ay tageero u muujiyeen, Waxa kale oo uu ku dheeraaday halkankii SNM oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu abaal weyn ku leeyahay.

IMG_0408

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo isna lagu soo dheeyey musharaxa xisbiga UCID  Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isna khudbad dhinacyo badan taabanaysa xaflada kazoo jeediyey kuna bilaabay mahadcelin u usoo jeediyey cidii ka danbeysay soo abaabulka kulankan aadka u quruxda badan,Waxa uu aad ugu dheeraada arimo badan oo ku saabsan xukumadda manta jirta,Arimaha dhaqaalaha,caafimaadka iyo qorshaha xisbiga UCID ay doonayaan in ay wax weyn uga qabtaan hadii ay xukumnka ku guuleystaan.

IMG_7515

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa Aqoonayah Jamaal uu kuxumadda Madaxweyne Siilaanyo ku canaantan musuq-maaqul aad u baaxad weyn,Wasiiro fara badan oo dalalka debada u taga wax aan macno sameynayn iyo bur-burinta dhaqaalaha dalka oo ayna aqoon badan u lahayn,Waxa kale oo uu si balaadhan usoo bandhigay in dad badan oo wasaaraddaha ka shaqeeyaan ay qaataan lacagooyin fara badan oo dhaqaalaha dalkan wax weyn u geysanaaya. Waxa kale oo uu soo bandhigay arimo badan oo ku saabsan sidii dalka loo hor marin lahaa.

IMG_7494

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyntii waxa hadalkii lagu soo dhaweeyey  Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horeyn  dhamaan dadkii kazoo qayb galay iyo Haweenkii soo abaabulayba aad ugu mahadceliyey,Waxa uu ka sheekeeyey intii uu ku jiray siyaasada Somaliland oo mudo badan laga joogo iyo waayo aragnimadii uu kala kulmay oo aad u fara badan. Waxa kale oo uu ka waramay in Somaliland ay leedahay sharci tahayna dal madaxbanaan,Waxa uu ku dheeraaday arimaha wakhtigan Somaliland yaala,Xaga dhaqaalaha,xidhiidhka Somaliland iyo  dalalka kale, Degaanadda Bariga Somaliland Oo aanay maamul buuxa ka jirin,noqotayna meelo lagu hirdamaayo. Waxa dhinaca kale uu ka waramay qabyaaladda dhibaatadeeda iyo sidii looga hortagi lahaa.

IMG_0040 IMG_0037 IMG_0034 IMG_0029 IMG_0027 IMG_0021 IMG_0012 IMG_0011 IMG_0007 IMG_0006 IMG_0003 IMG_7526 IMG_7509 IMG_7507 IMG_7503 IMG_7495 IMG_0401 IMG_0046 IMG_7483 IMG_0404 IMG_0402 IMG_0052 IMG_0059 IMG_0433 IMG_0431 IMG_0427 IMG_0416 IMG_0410 IMG_0408 IMG_0069 IMG_0067 IMG_0064 IMG_7482 IMG_0435 IMG_0434 IMG_7528 IMG_7522 IMG_7519 IMG_7504 IMG_7498 IMG_7494 IMG_7492 IMG_7534 IMG_9982 IMG_9988 IMG_9987

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo uu ka hadlay xukumaddan manta jirta

Xafladda oo aad u baalaadhneyn waxay kusoo dhamaatay si aad u quruxbadan dadkii kazoo qayb galayna ay aad ugu faraxsanaayeen xafladdan oo ahayd tii ugu quruxda badneyd ee xisbiga UCID qabsadaan dhawaan.

IMG_7504

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadlan la soco muqaal Ayaan madaxdii xisbiga UCID oo dhameystiran.Halkan kuma soo koobi karno dhamaan hadaladii ay dadku ku hadleen iyo madaxda xisbiguba markaa muqaal ahaan Ayaan idiinku soo gudbin dhawaan Insha Allah.

Xamse Axmed Salaan

London

Hamse100@gmail.com

IMG_0435