Dahabshiil Waa Daryeelaha Dadweynaha soomaaliyeed By Cabdicasiis Bashiir Nuur

dahabshiil

Sidaa aynu ka wadaa war-qabno shirkada Dahabshiil waxaay kaalin mu-hiim ah kaga jirta hir-gelinta himiilada iyo hiig-siga dhalinyaradda somaliland isaago shaqo u abuuray kummanaan,dhalinyaro ah oo shaqo la’aani ay haysay wuxuuna door weyn ka galay sidii lo kobcin laha garaadka bulshada loog-gana hor taggi lahaa aafooyinka tahriibta,ee intaa badan raggaadisay dhalin badan oo ku leeday badaha,halka qaar-kaleena ay bahaaluhu ku cunaan saxaaraha lama deggaanka ah ee u dhexeeya suudaan iyo libiya oo ay intaa badan marin uu ah tahriibayaasha.iyaado shirkadu ka duulayso taas waxaay samaysay dhiri-gelin taabbo gal ah.
Waxaanay shirkadu doorka u weyn ka qaadatay sidii laysugu xidhi lahaa gobolada dalka,iyaado kaashanaysa shirkadaha ma-taanaha ah ee ka shaqeeyaa xagga adeeg-ga is-gaadhsintaa ee SOMTEL waxaanay awood u heeshay inay inay baahiso oo ay warbaahinta ka caawiso adeega INTERNET-ka oo ay sahashay in si cadaan ah loo daawado dalka gudihiisa iyo debediisaba.waxaanay shirkadahani isku bahaysteen in dalkeennu noqdo mid la mid ah kuwaa dunida oo la daawado ciyaarihii oo socdaa lagana daawado Tv-yada dalka oo laftoodu ka qayb-qaatay horumarinta dalka iyo dhiiri gelinta dhalinta waxanay dawo ka noqotay qabyaaladda iyaado fure uu noqotay is dhex-galka bulshada meeshana ka saartay kala qo-qobkii shacabka oo mararka qaarkood anay suuro gelin inay wadaa ciyaaran dhalintu balse taas baa”biinteeda ayey shirkadu kow ka tahay .
Hadaba sannadii 2012 ayaa waxaa tar-tanka ciyaaraha dalka lagu qabtay magaalo madax-da gobolka Togdheer taaso ahayd tar-tan ay ka qayb-galeen sideed gobol oo somaliland ah,waxaanay kala ahaayeen lixdii gobol ee caan ka ahaa iyo laba gobol oo ka mid ahaa kuwii cusub-ba oo kala ahaa gobolka Gabiley iyo magaalo madax-da baligubadle,waxanay shirkadu dahabshiil qaybteeda is gaadhsiintu ay fududaysay inay sahaasho in si dhib yar ay maalayuun somalilander ahii fur sad u helaan ciyaarta oo LIVE ah oo ay daawadan.
Sidoo kale waxaay shiradu sanadkaas ku maamuusta ciyaar yahankii ugu goolasha badnaa inay siiso abaal marin ay ku faraxdo taaso uu ku mutaysanaayo, tacabka iyo nasiibka uu alle siiyey.waxaanay ciyaar yahanka kaas oo lagu magacaabo GOOFINDHE waxaay shirkada DAHABSHIIL abaal gud uga dhigtay gaadhi crown ah kaaso uu ciyaar yahankiina ka dhigtay mid niyaadda u dhistay waxaanay taaso noqotay mid ay shacabku hoosta uga xariiqeen,wadaaniyadda dhabta ah iyo lexejeclada ka haysaa wadanka oo ah mid aan la dafiri karayn la soco..

 

Qalinka: Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel 4144434=9848466
info@xogreebnews.com
Hareisa/somaliland