Dawlada Ingriiska oo dib u eegid ku samaysay argtiddeeda ku addan nabdgalayada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland

https://encrypted-tbn2.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcQ81SvjAocOSmUSPDb40O-PhafyIrFv37a_k-eDA-RScCOU2aAsBA

Dawlada Ingriiska oo dib u eegid ku samaysay argtiddeeda ku addan nabdgalayada iyo xasiloonida  ka jirta Somaliland

 

Dawlada Ingriiska ayaa  aragti khaldan ka haysatay nabadgalyadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland. Waxay tani horseeday in Somaliland ay ku qiimeyaan xaalada kolba ka jirta dalka aynu dariska nahay ee Somaaliya. Arrintani waxay carqalad xog leh ku noqotay in Somaliland dalalka caalamku ku soo dhiiradaan si ay maalgashi ugu samaystaan. Anigoo falkan u arkayey inuu Somaliland ku yahay mid wax u dhimaya dhaqaalaheeda iyo nabadgalyadeeda ayaa waxaan waraaqo xidhiidh ah u qoray Xafiiska Raysal Waasaraha Ingriiska.  Fariinta ay xambaarsanaayen waraaqahaygaasi waxay ahyid in Dawlada Ingriisku dib u eegto fikirka khaldan ee  xaqiiqada ka fog ee ay Somaliland ka haysato.

 

Xafiiska Raysal wasaaraha Ingriiska oo ka jawaabay warqahaa aan uu diray. Guji labadan mareegood (link) http://togaherer.com/an-open-letter-to-the-british-prime-minister-his-excellency-rt-hon-david-cameron/

http://halbeegnews.net/2013/10/08/an-open-letter-to-the-british-prime-minister-his-excellency-mr-david-cameron-by-ahmed-issa/

sida waraaqahaygan ku cad, waxay horseeday in ay dawlada Ingriisku ay  garawsato in ay warbixinada ay Somaliland ka haysato ee dhinaca nabadgalyada ayna sugnayn. Waxaa taa ku cad warqadan aan halkan ku lifaaqay oo xusaysa inay dawlada Ingriisku garwshiiyo ka bixinayso sida ku cad waraqdan aan halkan ku soo lifaqay een ka helay wasaarada Arrimah Dibada ee Ingriiska. Waxayna dawlada Ingriisku garwasatay in warbixinadaasi khaldan ay Somaliland ku ahyid dhiig bax u horseedaya dalka xalaad dhaqaale xumo. Taasina ay keentay in  dhalinteena ku habsato shaqo la’aan. Iyadoo arimahasi si gaara u eegaysa ayaa warqadan ay ii soo qoreen waxaa ku cad in dawlada Ingriisku imika wax ka badashay warbixnadeeddii ku addanaa Somaliland. Warbixintaasi  kaga bogo warqadan aan ka helay wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingriiska ee halkan ku liifaqan.

 

Waxaan talo u soo jiidin lahaa Dawlada iyo shacbi waynaha Somaliland, siiba qurba jooga in nin waliba doorkiisa ka qaato sidii Somaliland u heli-lahyid aqoonsi buuxa oo deg deg ah. Taasi waxay ku iman kartaa marka cadaadis joogta ah ku saaro maddaxda dalalka aynu ku noolahay. Dhinaca kalana marka sida Ingriiska oo kale uu dal warbixin khaldan ku sawiro  dalkeena Somaliland  in waraaqo loo qoro maddaxdooda iyadoo farta loogu fiiqayo halka ay warbixintoodu ka khaldan tahay ama dalabta iyo qaloocu kaga jiro.

 

Axmed Cabdi Ciise, London

Academic

isseahmed@hotmail.com

 A letter from the Foreign Office