Dib U Dhaca Iyo Burburka Gobolka Awdal Waxa Sobob U Ah Badhasaabka Gobolka ? Qalinkii: Abdirashiid Omer.

Dib U Dhaca Iyo Burburka Gobolka Awdal Waxa Sobob U Ah Badhasaabka Gobolka ? Qalinkii: Abdirashiid Omer.

Cabdoo-AayarSidaynu Wada ogsoonahay waxa Jira Horumar Dhinaca Kasta ah oo ka qabsoomay dhamaan gobolada jamhuuriyada Somaliland intii xilka ay la wareegtey xukuumada hada talada haysa ee kulmiye waxaa mudo ka isku shaandheyn lagu sameeyey badhsaabyada gobolada jamhuuriyada Somaliland si kastaba ha ahaatee waxaa gobolkan awdal madaxweynuhu u soo magacaabey nin lagu magacaabo cabdoo aayar oo hore badhsaab uga ahaan jiray gobolka Togdheer,Burco.

Cabdoo Aayar ayaa ah shakhsi ku can baxay in uu dadka madaxda u yahay kala jeclaysto oo aan si cadaalad ah ugu wada shaqeyn markii uu badhsaabka gobolka togdheer u ka ahaa waxaa isqabqabsi ka dhamaan waayay beelaha wada daga gobolkaasi oo isagu beel ka mid ah uu ka soo jeedo oo u si gaar ah u difaaci jirey beelaha kalana uu si doono ka yeeli jirey xataa muu qarsan jirin qabyaaladiisa dadka kale sida hoos hoosta ah u isticmalaan hasa yeshee madaxweynaha ayaa si uu ninkaas xilka badhasaabnimo u sii hayo wuxuu isku shaandheyn ku sameeyey badhsaabyadii gobolada Somaliland oo dhan sobobtuna waxay ahayd madaama cabdoo aayar laga nacey gobolka oo uu dadkii iska hor keenay shaqadiisiina gudan waayey waxaa madaxweynuhu keenay gobolka awdal isku shaandheyntaasna waxaa loo sameeyey cabdoo aayar dartiis.

Madaxweyne waxaa la xusay maalintii gooni isku taaga Somaliland oo ah 18 may cabdoo aayar waxaa uu hada joogaa Borama mudo hada lagu qiyaaso 1 sano iyo badh wuxuuna safar u baxey oo iska mushaxaa dalka dibadiisa oo uu marka horaba ka yimid hadaan dib u eegno 18 may 2013 waxaa uu ku sugnaa Gobolka Awdal gaar ahaan Dagmada Borama wax lagu xusay meshaasi ma jirin isaga ayaa cabsi galiyey dadweynaha si aanay ugu soo bixin maalinta munaasibada ah oo uu sheegay inay khalkhal wadaan kooxaha nabad diidka ah ee lagu magacaabo Awdal State oo ah maamul dibad wareeg ah oo aan wax awood ah kulahayn gobolka awdal.

Hadaba waxaa la soo gaarey munaasibadii taas ku xigtey oo ahayd 18 may 2014 oo aanay jirin cid ka qayb gashey isaga oo amara ku bixiyey inay soo kalahan ardayda iyo dadweynuhuba oo marka hore la isku ogaa in la isku imaado 7:30 am aroornimo uu habeenkii u danbeysay uu yiri waxa la isku imanayaa 6:00 am oo cid ogayd aysan jirin ardaydii iyo dadweyne tiro badan oo meshaas buuxey ay markaliya gadoodeen madaama dad tiro yar ay ka qayb galeen wakhti aan la ogayn oo subaxa hore arday tiro yar iyo askar aan habaysneyn ay meeshaas mareen taasina sharaf dhac ku tahay in magaaladii dawladan lagu naaloonayo manta ee Somaliland lagu dhisey ay noqoto meel aan ka muuqan gobolada abaalkii uu noqdey in loo soo magacaabo nin aan howlkar ahayn oo dad jeclaysi ka dhamaanayn meelkasta oo uu joogo.

Hadaba sidee wax looga qaban karaa caqabadahan uu ka dhaqaaqi laayahay gobolka awdal ee uu masuulka ka yahay badhsaabka gobolka cabdoo aayar oo in tuu joogo gobolka uu dib u dhacey dhinacyo badan oo uu ka koraayey gobolku,Mudane madaxweyne mar maaha laba maaha cabashada kaa soo gaadheysa badhsaabka aad ku qasbayso inuu maamulo gobolka xilkiisii ma gudan karo xataa dadkii u dhashey gobolka hadaad ka ilaalinaysi meesha u soo magacow nin howlkar ah oo dhexdhexaad ah oo aan cidna gaar ula shaqayn Madaxweyne ninkani gobolka jooga wuu iskala hanweyn yahay kursigan uu hada hayo ee badhsaabka markaas waydiisid maxaa halkan aad u dooratey ayaa wuxuu ku jawaabayaa meelka sareysa ayaan sugayaa waan ku meel gadhayaa hadaba gobolka awdal ma waxa uu noqdey goob lagu tababaro badhsaabyada laga soo caymadiyo gobolada kale ee dalka.

Cabdoo aayar ayaa ah nin intii badneyd noloshiisa ku maqnaa qurbaha wax badana aan ka fahan sanayn xaalada dalku uu maraayo oo ah meeshii ugu fiicnayd lakiin aanu la qabin gobolka awdal madaama aanu haysan hogaan fiican oo gudan kara shaqadiisa oo ah waajib saran oo illahay sumxaana watacalaa kala xisaabtami doono waxa uu samaynayo iyo camalkiisaba,waxaa uu bil dhaaf u tagaa dalka dibadiisa kaas oo ku andacoonaya in uu bukaan yahay hadaba nin bukaa boqol u tali ninkani haduu xunuunsanayo yaan lagu halayn gobolka ee si dagdag ah ha looga badalo gobolka uma malaynayo in gobol kale ogalaan doono cabdoo aayar anaga ahaanba wuu noo soo dhuuntey hadaan shakhsiyadiisa sidaas u garanayno manu ogalaneen maamulkiisa fashilan…..

By Abdirashiid Omer
Toronto, Canada
Abdirashiid1982@gmail.com