diidoo qabyaaladi aya sharafta kaa doorin

MOHOLIN

Daacad-nimadu  way  wacan-tahoo

Deekhsibay-tahaye

Dimquraadi  dhaba  weya-oo

Aan dilaal sidine

Daba-dhilif  ma soo sheegan karo

Ducufka lii-taaye

Derisnimo qofkii ula tagee

Tooska ula duula

Degdeg buu  ku gaadjaa wuxuu

Doonayee raba,e

HIBAAQ-DAHAB. Sideedaa  ayuu

Kori daruuraa-ye

Digtooradu  wixii gabeen

Ama wasiir  doori

Ayadaa  dushaw rida-tayoo

Deeqday qaran-kiiye

Deyrka  BIRISTOL. Waa kaa lalmada

Diilimaa-lihiye

Dadaal bay ku keen-tiyo kartida

Siiyay  (DAAYIMA,E)

Dadba lama sinnee (ILAAH )

Daraja weyn siiye

Dibna way ka gaadh-siin halkii

Loo diyaar yahaye

Ictiraaf-na  wuu daba socdaa

 Waanay daadihine

Danba kaan ka gelin calan sudhkii

Soona  dada feeyay

Khasabbuu ku daba roori-yoo

Qiri dareen kaase

Darbad weyn inay laa dayoo

Goolka dalaq siisay

Kumannaa-na ay daa wadeen

Loo dabbaal  dega yay

Daran doori tii fii-yadii

Waa ku wii diraye

Ka duljoogay  aan imanin-baa

Dakhar ku yaalaaye

Midnimada is daba joogsadoo

Durugsa-naan riixa

Darku waydin leeg yee dhammaan

Samo is deeqsii-ya

Dudmo hebel ayay kaa lunsiin

Qaran ka door kiisa

Dakhli-giinna dhawr too ka jira

Dhoof is daba jooga

Diidoo qabyaa-ladi  ayay

Sharaf-ta  kaa  doorin

 

Curiye . waa .  moholin