Dowlada Dahabshiil Ciyaal Banaadir iyo Shacabka Somaliland Kala Fogaa Inbox x

Salaan ka dib

MAQAAL

Maalmahanba waxaa magaalada Hargeysa ka dhex guuxaya warar ku saabsan kontomeeyo oday dhaqameed ku sheeg ka yimi dalka Somalia siiba koonfur odayayadan oo aan lala socon ujeedada dhabta ah ee la xidhiidha socdaalkoodan oo aan munaasib ahayn xiligan madaama dowlada ay ka soo jeedaan ee Somalia tahay tii ay Somaliland kala soo noqotay madaxbanaanideeda ka dib halgan dheer dhiig iyo maalba ku baxeen. Teeda kale koonfur Somalia dhaqan ka duwan kan Somaliand bay leeyihiin dhaqankaasina maaha mid tix galiya oday dhaqameed mana laha ee dadka beenta ha laga daayo ma jiro wax la yidhaahdo oday dhaqameed ka soo jeeda Somalia ee waa siyaasiyiin iyo mooryaan inuu soo xidhay cumaamado sida ay dhaqanka u leeyihiina maalinba shaadh cusub xidha mar bay ahaayeen warlords ama dagaalooge marna waxey noqdeen maxkamado maantana waa shabaab iyo boqol kooxood oo kala jaan ah waxaana xusuus mudan markii laysku darsaday Somaliland iyo Somalia in ay tageen odayaal ama salaadiin ka soo jeeda deegaanada Somaliland caasimada Somalia ee Muuqadishu halkaas oo ay la kulmeen odayaal ka soo jeeda Xamar kuwan reer Somaliland oo la jibaysnaa midnimo oo is leh la sheekaysta odayaashan dhigiina ah ayey ugu jawaabeen kuwii reer Xamar aboowe anagu ciyaal banaadir aa nahay taas oo amakaag iyo fajac ku noqotay odayaasheeni.

Hadaba muwaadin dhawr suaalood oo mihiim ah baa jira;

1. Kow, yaa u fasaxay odayaashan in ay dalka soo galaan hadiiba uu jiro mashruuc turkiga lagala yimi oo uu Siilaanyo u wakiishay inanka uu adeerka u yahay ee Maxmuud Xaashi miyaanay taasi u fasaxeen dhamaan madaxdhaqameedka reer Somaliland in ay iyana si fudud ugu baqoolaan Somalia kana soo bartaan dhaqanada xun xun sida dagaalka isku dirka boobka, iwm.

2. Labo, talada Somalia maaha mid ka soo go’ada oday dhaqameed ee waamaxey sababta loo buunbuuninayo odayaashan soo qado tagay ee hoostana ku wata mashruuca soomaliweyn ee aan dadka reer Somaliland u cuntamayn xiligan mise waxaa dan loo leeyahay sidii loo dumin lahaa daarahan dib loo dhisay.

3. Sadex, madaxweyne Siilaanyo isaga oo kaashana inamada uu adeerka u yahay kuwa dowlada ku jira iyo kuwa daaha dabadii wax ka maamulaya sida Dahabshiil oo saamayn weyn ku leh dowladan lacag badana ku bixiyey soo saasirsta Siilanyo kaas oo hada dabada ka riixaya midnimo waayo dhaqaalo badan baa kaga xidhan Somalia.

Muwaadin si kaste oo loo eego talaabooyinkan ay qaadayso xukuumadani maaha kuwo ay dani ugu jirto dhamaan reer Somaliland waa talaabooyin dan u ah laguna naasnuujinayo beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Siilaanyo iyo beel kale oo ay wax isla ogyihiin hadii aanay dib uga noqon qaskan iyo fawdadan ay ummada ka dhex wado waxaa hubaal ah in ay nabadan yar ee aynu ku faano aduunkana ka iibino daaqada ka bixi doonto waayo looma dulqaadan karo dhaqanadan inagu cusub ee hore looga diiday afweyne oo ka xoog roona.

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh