Dowlada Soomaaliya oo saakay diyaarad gaar ah u dirtay Magaalada Baydhabo oo xiisadi ka jirto.

Diyaarada 1

Xukuumada Soomaaliya ayaa saakay diyaarad gaar ah oo loogu tala galay in ay soo qaado dadka qaba dhaawacyada halista ah ee ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Baydhabo waxa ay u dirtay Magaaladaasi.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa amray in Diyaarada loo diro Magalaada Byadhabo si ay Magaalada Muqdisho u keento dadka qaba dhaawacyada halista ah ee wax looga qaban waayay Isbitaalada Magaalada Baydhabo.

Isbitaalada Kuyaala Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa in ay ka jirto daawo yari baahsan , waxaana hada yaala oo lagu baxnaaninayaa dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay Weerarka Ismiidaaminta ah ee shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 13-qof oo u badnaa dad shacab ah , waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu qaraxaasi gaarsiiyay dad aad u badan.

Madaxda ugu sareeysa Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxa waxyeelada badan geestay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo , waxa ayna eeda qaraxaasi dusha ka saareen waxa ay ugu yeereen Kooxaha Argagaxisada ah.

Salaanmedia/Moqdisho