Dowladda Kenya oo laba toddobaad kadib raaligelin ka bixisay xadhiga Qunsulka Soomaaliya

Dowladda Kenya, ayaa laba toddobaad kadib raaligelin waxay ka bixisay xarigii Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ugu geysteen, Qunsulkii Safaarada Somalida ee Magaalada Nairobi.

Siyaad Maxamuud Shire iyo diblomaasiyiin kale oo Soomaali ah, ayaa 25-kii bishii April laga qabtay Magaalada Nairobi, iyagoo dhex socda, waxayna Booliska Kenya tuseen aqoonsiyadooda in ay diblomaasiyiin yihiin, laakiin waxba lagama dhageysan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa ku waramaaya Dowladda Kenya in ay Soomaaliya ka raaligelisay xariga Qunsulka Safaarada.

Danjiraha waxa uu xusay Kenya in ay warqad soo gaarsiisay Dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku muujineyso sida ay kaga xun tahay xariga ka dhanka ah Siyaad Maxamuud Shire.


Qunsulka Safaarada Somalida ee Nairobi

Sidoo kale waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in ay soo dhoweysay raaligelinta Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta, isla-markaana ay keentay in uu maanta dib kaga hawlgalo Xafiiskiisa Shaqada.

Amb. Americo oo la hadlay Idaacada Bar Kulan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu meesha ka saaray in uu mugdi ku yimaado xiriirka labada dalka, haddiiba ay Kenya raaligelin ka bixisay xarigii Qunsulka.


Danjire Americo oo maanta ku laabtay Nairobi

Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta waxay si xun ula dhaqantay bulshada Somaliyeed ee ku badan Xaafada Islii, iyadoo ay Dowladdiisu dhegaha ka fureystay cambaarayn xoog leh oo kaga timid Hay’adaha xuquuqul insaanka.

Salaanmedia/Hargaysa