Fadxeeda Wafitga Xirsi Oo Wata Inadeerkii Muniir Cigaal Oo Wariya Sheegta Lana Kulmay Inadeerkii Xaashi Ismaciil Oo Sheegta Gudoomiyah​a Jaaliyada iyo Quraacdii IHOP Oo Waxqabad Laga Dhigayo

Salaan ka dib

 
MAQAAL
Waxaa booqasha ku jooga magaalada Washignton Xirsi gaab oo wata inanka yar ee uu adeerka u yahay ee Muniir Cigaal oo isla beesha Xirsi ka soo jeeda Muniir waa nin wariye ku noqday qaraabokiil iyo u sacab tunka kacaanka beesha uu madaxweyne u yahay Siilanyo Muniir oo aan waxbarasho ku helin mansabka wariye ka hadla telefishinka qaranka oo si reeraysan loogu daray liiska wariyaasha isaga oo aan mihnada wariye meelna ka soo gain waxbarashana hadalkeeda daa hadaba Muniir wuxuu maamulaa website ka mid ah websiteyada ku hadla afka kacaanka Siilanyo websitekaas oo loo furtay cayda birmagaydada shacabka Somaliland iyo mdaxdiisa kuwa aan ka tirsanayn kacaankan hadaba muwaadin Xirsi gaab baa inankan Muniir ka dhex xushay wariyaasha telefishinka qaranka fiisana u soo saaray si qabyaaladaysan isaga oo ka dul talaabsaday dhamaan wariyaasha dhabta ah ee ehelka u ah mihnada saxaafada laakinse beesha maaha waana sababta uu fiisaha u soo saaray Muniir Cigaal wafdigan oo aan wax micno lahayn u soo baxay lacgana lagu khasaareeyey waxey ka soo dageen madaarka waxaana ka hortagay Rashid Garuf oo ah nin dabeecad xun oo xilka safiirka ku haya inay isku beel yihiin xaaska Siilanyo Amina Waris oo eedo u ah waxaa isna soo dhaweeyey ninka ay isku beesha yihiin Xirsi ee Xaashi Ismaaciil oo sheegta inuu yahay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland oo aanay cidina u igman xilkaa waana bug cid aan naftiisa ahyna ma matalo qoladan kacaanka aaminsan oo isdabayaacaya ayaa tagay maqaaxida ku caanka ah fadhi dirirka ee ay soomalida Washington ku kulanto ee ay ka quraacdaana odayaasha iyo islaamaha halgabka ah ee maraykanka ee IHOP ama international house of pancake halkaas oo ay sawiro isakaga qaadeen Xirsi gaab Muniir iyo Rashid Garuf oo isu haysta inay waxqabad soo kordhiyeen.
 
Muwaadin suaasha taal meegaan taxa weeyaan maxay soo kordhiyeen cisaabada Xirsi horkacayo lacagtii ummada oo lagaga quraacano maqaaxiyaha maraykan mooyaane.
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh
Guuleed Buraan
gburaan@gmail.com