Fariin ku socota Muse Biixi iyo Mohamed Kaahin it is now or never by Abdi Mustafe

download (1)
1) Horta haba yaraatee arin Suleiman Gaal ku jiro iska ilaaliya oo ha yeelina dan idiin ma aha ee inaadeer kii Silaanyo ayuu garab siinayaa. Waa aragtaan wuxuu golihii guurtida ka soo xulay odayo intuba yihiin kuwa dowlada u adeega oo ku maxaafsada olole ay hadba xukuumadii joogta isla garab taagaan.
2)Waxa raxanta wasiirada ah ka qeyli siiyey ee ay xukuumadu lacagta uugu qarash gareeyeen in gobalada biidhi qaata yaashu ka taageeraan waa baqe aanay kalsooni isku qabin oo ay is ogyiin in laga xaq leeyey.
3) Ku adkeysta mowqif kiina hana xagal ka daacina sbab too ah sharciga iyo shicibkuba wey idin taageerayaan e. Xoog hadii la idinku muquuniyo ku dhinta korneyl nimo. 31 May marka aa shirka istidhaah daan qabta RRU ayaa la keeni joojisa in uu qabsoomo dabeed na Shicibka ayaa dhagax tuur bilaabi. Idinkana laguma dhaco in la idin xidho. Markaa shicibka tustaan in dowladu tii afweyne oo kale tahay ku biira xisbiga aa doon taan si aannu isna u soo bixin Silaanyo. Dhirbaaxo quudheed ha dugsa nina waxa aa xaq u leediin cidna ha uuga baydhina idinka oo sharciga Kulmiye u yaal ku soconaya.
4) Hadii aa sidii doqonka qarniga Hassan Siciid Yussuf xog hayihii Kulmiye markiiba dowlada la safataan oo la idinka dhamaysto wixii la doonayey dabeed Kulmiye iyo idinkuba shicibka waa ka dhimanaysaan.
5) Hadii Muse Biixi maanta musharax noqon waayo dibna u noqon maayo oo
yam-yam iyo qadaad weyn baa hadhow lagugu soo deyn doonaa kuwan maanta kaaga daraada. Maanta oo qudho ayaad fursad heysataa 10 sano ayaad u soo samreysay oo wax wal oo xil leba lagugula kacay sidaa dar teed dub ha u laaban ee hore u socda waakan cabaad ku ka dhamaaday xukuumadii e.
Weliba wax u hadhsan oo dhoqso loo bilaabi doonaa in liiska arga-gixisada ah ee xukuumada ku jira aduunka loo gudbin doono.
6) Waxaan ku soo afjarayaa xukuumada ilaahay gar-gaari maayo oo waxay ku socdaan dulmi ay cashuurtii umada si kastaba u istic maalayaan oo Suleiman gaal tigidho loogu dirayo oo weliba jicsin buuran mar walba la siiyo oo wasiiradan iyo suldaamadan danaaniyey na lacag loo qeybiyo sidaa darteed ilaahay cadaalad darada ma jecla mana taageero ee halkaa ka duula. Waa la idin dulmay oo idinkaa ka guuleysanaya hadeydaan u baqan.   
by Abdi Mustafe  
abdi_mustafe123@yahoo.ca