Gudoomiye Cirro Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Khadar Marxuum Muumin Yussuf Cigaal

Ciros

Gudoomiye Cirro Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Khadar Marxuum Muumin Yussuf Cigaal

May 11, 2014 |
 

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi, Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland waxuu  tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Khadar Muumin Yussuf Cigaal oo saaka ku geeriyooday  magaalada Helsinki ee caasimada u ah dalka Finland.

Waxaa kale oo uu  gudoomiyahu ka tacsiyadaydanayaa geeridaa naxdinta leh, dhamaan bulshada reer Somaliland ee Finland degan, asxaabtii iyo intii Khadar taqaanayba.

Waxuu Khadar ahaa muwaadin dadka oo dhami ay ku xasuusan doonaan wanaag, hawl karnimo, daacad, deeq iyo dadnimo wanaag.

Waxaan mar kale ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka u dembi dhaafo oo janadii ka waraabsho.

Allaa mahad leh.