Hadalkii Xasan Gurguurte Ee Anaa Taleex Ka Bax Ku Idhi Siilaanyo Iyo Wasiirkiisa Md Biixi Yoonis Oo Markhaati furay

Salaan ka dib

MAQAAL 
Hadalada ka soo baxaya ninka ay Somalia u soo diratay UN’tu Nicholas Kay oo yidhi anaa ku idhi madaxweyne Siilaanyo ka bax Taleex ayaa ahaa erayo ku cusub reer Somaliland in nin aan ogalayn amase ictiraafsanaynba jiritaanka Somaliland in uu si dhib yar uu ku amro madaxweyne dhan oo ay shacabku soo doorteen ka bax oo weliba amarkiisa la qaato oo nuqsaan iyo ceeb weyn oo ay xukuumadani u soo hoyday qaranka waxaa kaloo kaba sii daran ninkan qaramada midoobay ka socda Xasan Gurguurte oo madaxweyne magac u yaal ah oo aan meelna ka talin macaa hoyga uu ku jiro ay ku soo weeraraan inamada yar yar ee alshabaab ayaa u hanqal taagaya in uu u taliyo qaran isagu isu tashaday balse qaldamay oo talada dalka u dhiibtay oday weyn iyo waxmagarato kale oo u soo boob tagay xoolaha ummada.
 
Warkan Xasan Gurguurte iyo odayaasha beesha Hawiye ee la shiraya kaadiriyiinta Kulmiye waa khiaano qaran oo cad waana in talaabo cad laga qaado cida istidhaahda masiirka ummadan ku baayacmushtareeya.
 
Waxaan idinkaga baxayaa muwaadin dalkeena Somaliland horta yaa xukuma madaxweynaha aynu dooranay mise Nicholas Kay mise Xasan Gurguurte.
 
 
Allah Weyn ninkii Aaminaa Awood Leh