Haddaydaan xajaar (dhagxan) noqonba

MOHOLIN

Haddaydaan  xajaar (dhagxan) noqonba

————       ———   —————- ———

Xaqddarada  haddii  aad  heshiis

Xilif-ku  waageerto

Xaqiiqada  markii  ay  tahaa

 la,is xanbaa-rayne

xoog-muquu-nis  iyo-baa  ka  dhici

kii xisaab-badane

..

Xarbibaa  la  geli  aan  la hayn

Meela  soo  xidha,e

Xeegada  dhulkaa  laga  dhigtee

La  is  xamuuraayo

Xinjiraa  u daatoo  ragbaa

Galay  xabaalaa-ye

Xanuun-baa  iyana  meela  badan

Naafo  xuur-tahaye

..

Xoolii  agoomaa  kolkii 

xaashi  lagu  boobay

laaluush  isdaba  xiima-yiyo

doorashiyo  xeelad

xasad  iyo  dagaal  lagu  gala

xaalba  saas  noqone

Xaasas-kii  halyey-yadu  ka baxay

Xoorabay  timiye

Waxba  yay  xanaan  badan  ka  helin

Gobiyo  xaalkeede

Xagtimaha  la  gaadhsii-yay baa

Dhiigu  xadantoone

Hadday-daan  xajaar(dhagxan) noqonba  weli

Xiin-ku  soo  maqane

Xalku  meesha  uu  yahay  gartoo

Anigadaa  xooraa

Xuduudaydin  kala  leedi-hiin

Ee  xarriiq  dhigana

Xagga  kale  intii  aa  dabaa

Jebisay  xeer-kiiye

Xasiloonibaa  shacab  rabaa

Xiisadaa  damiya

Xanaaqana  danshoo  caqligu

Samo  ha  xoodaan-sho

 

Curiye  waa  ( MOHOLIN )