HAMBALYADA IYO WAANADA BASEERAH TRAINING CENTRE ABDILAHI OSMAN ISMAIL EE 18 MAY.

EE HANBALYADA IYO WAANADA BASEERAH TRAINING CENTRE ABDILAHI OSMAN ISMAIL.

Daawo Muqaal…”Wu ku mahadsan yahay Madaxweyne Siilaanyo inuu dadkiisa soo ogaado xaalada ay ku sugan yihiin,Xisbiga Kulmiye qabiilkii ayuu dib usoo celiyey”Gudoomiyaha Bazeera Training Centre Cabdilaahi C Ismaciil….

QORAAL KOOBAN OO UU NA SOO GAADH SIIYAY GUDOOMIYAHA XARUMAHA WAX BARASHO EE BASEERAH TRAINING CENTRE EE MAGAALADA LONDON ABDILAHI OSMAN ISMAIL AYAA WAXA UU HANBALYO IYO BAAGAADIN UUGU DIRAYAA DHAMAAN SHACAB IYO DAWLADBA BAHWAYNTA REER SOMALILAND MUNAASIBADDA 18 MAY. DHANKA KALENA WAXA UU GUUBAABO IYO HOGA TUSAALAYN U JEEDIYAY MADAX IYO MIJABA CID KASTOO KU ABTIRSATA SOMALILAND. QORMADIISII OO U DHIGAN SIDA TAN :

Marka hore Ilaahay baa mahad mug iyo miisaan leh aan u naqayaa, marka xigtana waxa aan hanbalyo iyo boogaadin miisaan keeda wadata hawada u soo qaadsiin dhamaan reer Somaliland gudo iyo dibadba sidii dareenka iyo riyaaqa wadanimo wadatay ee ay uugu ciyaareen una botoreen malinta agtoona wiilka curad kaga culus, waayo wiilal badan oo curadyo ah ayaa awgeed loo waayay.

walaalayaal maaha 18 MAY in ay inaga noqoto maalin ciyaar, damaashaad iyo music macaan oo la dhagaysto, haa dabcan waan farxaynaa, laakiin dhanka kale waa in aan xusnaa xasuusanaa maalintana qiimahay ku kacday iyo sixirka ay inagu soo gashay. haa waa loo fakaray oo deedna dubjir loo noqday, deedna loo gaajooday, kadib loo dhintay, deedna loo agoomoobay, ka dibna loo agoomoobay, deedna assay loo qaaday, ka dibna loo umula dooxay, deedna lagu wiirsaday, dabadeedna…….dabadeedna…….dabadeedna……..dabadeedna.
intaa markaynu isku waafaqnay, waxa inoo soo baxaysa in ay 18 MAY tahay NATIONAL ASSET, sidaa awgeed suura gal maaha in qof ama koox yari masiirka umadda go’aan ka dhaadhaan.

Ugu danbayntii dadkaygaw, meel sare ayay gaadhay Somaliland, laakiin taasi waxa ay toosinaysaa in cadawgaagi ka dhiidhiyo ka dibna dibindaabadiisa sii laban laabo, adna maxaa kula gudboon? waa midnimo iyo faraqa siyaasiga ah la qarsado oo cadawga 18 MAY aanu foolkeena ka arag, waana in aan iska saarnaa xanuunka ina ragaadiyay ee cadawgeen iyo maan gab ku inoo maleegay ee ah LANAMA ICTIRAAFIN, waa in aan isku tashanaa, bal intan iga maqal dadkaygaw:

RAGGII SE’ AABAYAASHEEN DHALAA
DHAAFAY HADAL WAYN E’
MAAHMAAH YADAY NOO DHIGEEN
MID AAN KA SOO DHEEGAY
INTAAD SACABADA U DHIGAN LAHAYD
CADAW KU DHUUDAAYA
SI DHOOMO IN AAD BUUX SATAHY
OO DHARAGTAY KUU MOODO
DHAFOOR XUN IYO CADAWGAAGU
YUU DHUUBNI KAA GARAN E’
WAXAABA LUUGU DHAASHADAA
DHUUX SAKAARA AH E’
MARKAAD HADAL KU GEESTUU U DHICI
DADKAYGOOW SII DHAMISAAN  A’
DHUDHUNKEEDA TAA LAMA LAHAYN
DHEEF KA RAAD SADA E’
MACNUHU WAA DHIGGAA
LAMA BARYEEEEE
CEEB KA DHAWR SADA.