HAWIYE SOOMAALILAND LAGAMA LEH, MADAX-DHAQAMEEDADAN INNA SOO BOOQDAYNA DHULKOODII BAY YIMAADEEN. “Afhayeenka Waddani ee Yurub”.

MAQAAL
Ma jeclayn inaan arin Qabiil xiligan wax ka idhaahdo balse waxay noqotay arin inaan wax ka taabto iga mudan maadaama aan ka soo jeedo beeshan maalmahanba Afku ku batay “Hawiye”. Sida aan la socono waxaa inoo jooga Madax-dhaqameedyo soomaaliyeed, odoyaashani waxay ka kooban yihiin dhamaanba beelaha dhulka Soomaaliya dega, waxaan qabaa inay  tixgelin, soodhoweyn iyo qaderinba inaga mudan yihiin. 

Sida ka muuqata warbaahinta wadankeena Somaliland waxaa muuqata in Beel khaas ah lagu bar-tilmaameedsanayso, Ergadan balaadhana laga dhigay inay beel qudha ka soo wada-jeedaan, taasoo ay ugu yeedheen “Hawiye”. sida muuqata dadkaasi waxay isku khaldeen amaba iskaga khaldamay Qabiilka Hawiye iyo Wadanka Somaliya oo halkii ay ka odhan lahaayeen Ergo Soomaaliyeed ay u isticmaaleen Magac Beel. Hadaba waxaan rabaa inaan bulshada u iftiimiyo: 
1) Somaliland waxaa dega Beelo badan oo loo baahan yahay in lagu tixgeliyo jiritaankooda iyo deegaankoodaba.
2) Madax-dhaqameedadan inoo yimid maaha ama kama soo jeedaan Beel qudha “Hawiye”, sida dadbadani hadalka u dhigayaan. marka waxaan qabaa in la joojiyo in beel qudha si badheedh ah wax looga sheego. 
3) Hawiye, dhulka marti kuma aha waxbuuna ku leeyahay, deegaan aad u balaadhana wuu degaa oo dhulka Somaliland ka tirsan, Xukuumad iyo Baarlamaankana xubno firfircoon oo Wadaniyiin ah bay ku leeyihiin, balse sida ka muuqata dhawaaqyada iyo qoraalada rag Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Hogaamiyayaal beeleedyo ahiba waa arimo aan qumanayn. Waxaan qabaa in ragaasi u baahan yihiin inay Taariikhda iyo Deegaamada Dalka bartaan, ka hor intaysan u hadal Dhulka iyo Dadka midnaba. Ogaadaana in dalku uusan ahayn Hargeysa iyo Burco iyo Beelaha dega oo Qudha; Balse Hawiye dhulka wax ku leeyahay, Odayadan inoo yimidna aysan dhulkan marti ku ahayn ee wax ku leeyihiin. 
4) Madax-dhaqameedadan inoo yimid waan soo dhoweyneynaa Beelahay doonaanba ha ka soo jeedeene sidii Shacabka Somaliland lagu yaqaanay, waana is-waraysanaynaa, rabitaanka Shacabka Soomaaliland oo isku duubana waan u sheegaynaa oo weliba tusinaynaa.marka yaan laga hordhicin oo la Af-lagaadeyn. 
5) Aragti ahaan waxaan qabaa in imaatinka  Madax-dhaqameedyadani waxtar weyn inoo noqonayo, maadaama ay ka soo jeedaan dalkan aynu deriska nahay oo weli waxbadani iskaga keen jiraan; loona baahan yahay inay arkaan waxaynu Qabsanay iyo waxaynu Hiigsanaynaba sidoo kalena wax inooga Bartaan. Xogta iyo Xaqiiqada ay urursadeena kula noqdaan deegaankoodii si ay bulshadooda u gaadhsiiyaan. Marka dadka Aragtida hoose eegayaa Tan guud indhaha ha u furaan. 
6) Xukuumada waxaa laga doonayaa inay Madaxdhaqameedadan Xaaladooda la socoto, Amnigoodana masuuliyad iska saarto.

Waxaan qoraalkan ku soo af-meerayaa, Odoyaashan Madax-dhaqameedada ahi dhul shisheeye maysan iman ee dhulkoodii bay yimaadeen, wayna inala joogayaan Dabaaldegeena 18 May iyo maalmo badan oo kaleba, waxaa la inaga doonayaa inaynu si qiimo badan oo qaderini ku dheehan tahay ku soo dhoweyno, una martiqaadno, tusinana macaanka Nabadu leedahay, maadaama ay mudo dheer colaado ku dhexjireen, sidoo kalena ku sii ambabixino Caleemo qoyan xiliga safarkooda. Waxii intaas dhaafsiisan qofkii kula dhaqmaa waa shaqsi aan metelin shacabka balaadhan ee Somaliland balse fikirkiisa qof ahaaneed  ku socda. 

Qasim Adan Saleebaan 
Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub. 
London 
kasslmn@aol.com