HULUULAHA KA SOO BAXA NIN RAGI WAA HALGAMAYAAYE

HULUULAHA KA SOO BAXA NIN RAGI WAA HALGAMAYAAYE

MAQAAL


Sida lawada og yahay suugaanta waxa lagu cabiraa dareen culus oo kugu beerma sida murugada,
 cabsida, cadhada, faanka iyo hadday tahay farxad amma wax kaa yaabiya. hawraarta waxii lagu curiyaa way ka culustay wax yaalaha hadalka caadiga ah lagu sheego, hadaba, waxa jirta fannaaniin, abwaanno iyo heesaa badan oo lagu bartay
 Reeraha la haybsooco, waxa aan iswediiyey maxay ku dhacday in aan looga baran halabuurka ka soo jeeda beeshaas suugaan ay ku sheegayaan dhibaatada haybsooca ayaga oo isla markaana ugu waayo sheeganaya bulshada haybsooca
wadda, arrintaas ayaan gabaygan ku eegayaa aniga oo qawaday kaalinta abwaannada beesha la haybsooco.
 

Hooyaalay way dhimatayoo heesahaa dilaye
Weli maan ka haayirin murtida ha iyo miinkiiye
Ma hakado ninkii eebahay hibo u siiyaaye
Hiif iyo colaadiyo anoon hurin baaruudda
Hootadada qabiilkiyo warmaha hooya ugu baaqin 
Haleelada ninkii laga dhaciyo hooyo murugoota
Hed la jaro dagaal lagu hafado hoogay lagu ooyin
Habaarkii qabiilada mar kale ugu halaayuusin
Amma holaca reeraha ku shidin lagu halaagmaayo
Wax hagaajin baan leeyahee belena heeryaynin

Afrikaa habeen madaw nin kale hoos u soo galaye
Nimankii hormada loo xidhxidhay horena loo qaatay 
Ee hadhuudhka lagu beeri jirey heedda iyo muuska
Haddii laga hanweynaa nin madaw hoosna loo dhigayay
Weli waa halgamayaa ninkay habaca moodeene
Asagaba nin baa haystayoo hadiyad loo siiye
Adna dhaqan habsaamiyo bulshada haybtu kala soocday
Hadimada wakhtigu kaama hadhin tan Haabiile

Hoggaankuu ka maagaa ratiga lagu hayaamaaye
Hayinkii la rarayaa marbuu hilayga diidaaye
Heeryada marbuu saydhiyaa haanta loo sudhaye
Hagardaamo noolaha qabaa hiniftan geeraarka
Hiinraagga taahuu murtida halawadeeyaaye
Hal abuurka maansoonayaa gabay higgaadshaaye    
Kol uun baa hayaay iyo wareey qaylo huguntaaye
Hoodada fannaan iyo abwaan heeso curinaaya
Hiddo waxa u leediin farshaxan hodana suugaane
Lama helin raggaan hadanayee hebelladii aaway

Hurdankii dagaalkiyo adoon faraska heensaynin
Naftii hure halyey kaa dhashiyo geesi hano qaaday
Hanjabaad colaad loo tirsado haatufkii werinin
Hayntiisu ruuxay yartahay lana halaakeeye
Hadhdacaarka  jiifsaday markii hadhaca loo diiday
La hadiday habeen iyo dharaar waa hamiyayaaye
Nimaan hadalna hooyada dhashaa hoo kumay odhanne
Adigoo hagoogta iska roogay hoosna dhuganaynin
Hareertiisa joogsoo ninkaas hoos ku gelinaaya 
Huqda ciilka reebtiyo inaad habacsanaan diidday
Taariikh habeenkeedi dumay haama shalkhbaaka 
Haw hawda beentiyo warkii hatan la ogaaday
Asagaa hawada duulayoo haabtay meel sare e
U higaadi inaad heer la tahay hoos nin kuu dhigayey

Afartaa sidii hawsarkii hig iyo liishaan dheh
Cir hillaacay heegada fadkiyo hogosha roobaad dheh
Hadal laysu sheegiyo murtida hogatusaalayn dheh
Haybsooc dagaal lagula jiro hagar la’aaneed dheh

Heemaar ninkii shiilan jirey halabna maalaayey
Hadhuubgaalka caanaha ku jira hadhimo loo siiyey
Ee aan hanbada looga baran hoona laga sheegin
Harraatida nin liituu wadnaha kaga higaagaaye
Markaasuu habaaskana ku rogi hayb la quudhsadaye
Hantidiisa ruuxii la dhacay caydha halakaaday
Harimacadka duurkiyo asagu waa ishelayaane
Haldhaagiyo biciidkii hadduu soo horqabateeyo
Ka hirqado nimcada hawdka taal way habbopn tahaye
Heenkii lafaha wada cabtoo haakah way tidhiye
Dadba hoodhka waa wada gogladay haragga cawleede
Maxaa hilibka waa dheer la cunay haatan laga sheegi

Anba hawsha waan kula wadaa hiilla waan ahaye
Hadal laygu tuuriyo afxumo hoosta lay geliye
Heelada jacaylkiyo intaad hoobay kala dayso
Huluulaha ka soo baxa nin ragi waa halgamayaaye

 
Kayd Maxamed Cabdalla