ICTIRAAF RAADINTII SOMALILAND WAY FASAQANTEY

MAQAAL

Wadahadaladii somaliland iyo somaliya ee dalka ingiriiska lagu qabtey  way fashilmeen (guul dareysteen) , markii wafdigii somaliland ka socdey iyo kuwii somaliya ka socdey ay wada hadalo toos ah wada galeen oo ay wefdiyadii dhex dhexaadinaayey ay u sheegeen inay iyagu wada hadlayaan oo ay weftigii ingiriiska ka wakiil agaa iyo kuwii EU iyo kuwii dalka Norwayba ka codsadeen inay debedda ku sugaan , arintaas oo layaab iyo fejeciso ku noqotey dalalkii qorshahan soo diyaariyey .

Dalalkii reer galbeedka ahaana halkaas ayey wadahadaladii kaga hadheen , waxaaney ka soo qaadeen inaaney somaliland ka dhab aheyn ictiraaf raadinta iyo gooni isutaaga ay beesha caalamka ka dooneyso . waxay yidhaahdeen maadaama ay labadoodu wada hadli karayaan sidan oo kale , maxay hore ugu wada hadli waayeen ??? illayn waa kuwan iminkaba doonaaya inay iyagu wada hadlaan . 
Waxay u qaateen una fahmeen inaanay wax dhib ahiba dhex oolin ,cadho yar oo ay ku kala maqanyihiin mooyaane .
Kabacdi wadahadaladii waxay yeesheen weji kale oo ah , DIB U HESHIISIIN , waxaana laysaga riixay xaggaa iyo dalka turkiga ,iyada oo dalka turkigana caddeeyey inuu ka shaqeyn doono midnimada somaliya , uuna aamin san yahay in somaliya mid uun tahay  , waxaana bilaabmay kulamo dib u heshiisiin ah oo saxeexyo la kala saxeexday , kuwaas oo guul darooyin badan u soo hooyey dalkii somaliland ee ictiraaf raadinta laga sugaayey .
Hadaba waxa beesha caalamka fahmi waydey , waxa ay somaliland 20 sano ku dhawaaqaysay ee ay doonaysay , maxay ahaayeen ? haddiiba ay dib u heshiisiin uun arinkoodu ahaa .
maxay hadaba beesha caalamka u lu goynayeen ? oo beenta ugu sheegayeen ? iyaguna wakhtiga isaga luminayeen ,
Kuwaas oo ilaa iminka wax la garanaayo oo la sheego laysla meel dhigin , iyo qaabka ay u socon doonaan ???? iyo sidii loo fulin  lahaa , qodobada aan qiimaha lahayn sidii loo fulin lahaa ???? oo ilaa maalinkaa maanta ah guddi looma samayn sidii ay wax u socon lahaayeen iyo ciddii fulin lahayd ??? iyo sidii guddi farsamo loo samayn lahaa toona ???
Iminkana waxaa bilaabantay tii hore mid ka sii daran oo naaqus nimo iyo maqaamkii ay lahayd somaliland hoos u dhigtey oo ah in ODAYAALdhaqameed lakeenay HARGEYSA oo layidhaahdo somaliland bay ictiraafayaan . waa maxay awoodda ama jagada ay  hayaan ? maxay ictiraafi karaan ? maxay kuu soo kordhin karaan ? ama kaa ridi karaan ???
Waaba tabtii (sidii) 60 kii oo kale , odayaal dhaqameedyo qaarna muqdisha ka yimaadaan qaarna   hargeysa yimaadaan , qaar kalena hargeysa ka tagaan oo muqdisho qabtaan .
Wixii arinkaana ka dhashey waynu ka wada dhereg sanahey .
Iminkana talaabada xigtaa waa odayaal dhaqameedyo somaliland ka taga oo muqdisho taga , oo dib u heshiisiin iyo arimo aan waxba laga garaneyn oo mugdiya iska dhex dabaasha .
Waar garaad darada intaa le egi waa maxay ????  maxaa dadkan dalka hogaaminaaya ka khaldan??? maxay u garan la yihiin wadada saxa ah ee la maro ??? haddii kale maxay dad aqoon u leh sida loo wada hadlo ama loo wada xaajoodo u soo keenan waayeen ??? waa maxay isku daba meereysiga intaa le egi ??? waa maxay khaladaadka intaa le egi ee ay sameynayaan ??? xaggay u socdaan ??? maxay doonayaan ??? siday damceen inay wax ku helaan ??? illayn sidan waxba lagu heli maayo ??? waxna soo kordhin maayaane ??? maxay doonayaan ??? xaajadu halkey ka qasan tahay ??? xaggey iska qaban la dahay ??? 
Maxaa tan xigi doona ? weligiin ma aragteen garaad xumo tan ka wayn ??? Dalkii somaliland waxa uu u baahan yahay in laga badbaadiyo , hogaamiya yaashiisan garaadka iyo aqoonta ka saboolka ah . Haddii kale …….. allow sahal umuuraha .
Intii ay xukuumadan kulmiye talada dalka qabateyna , ictiraaf raadintii iyo gooni isutaagii somaliland wax u soo kordhey ma jiro , ee dalka iyo dadkaba ha la badbaadiyo .
Bulsho yahay dalkii meel uu u socdo la garan maayo , ee ma yaaban tihiin .
TII ALLENA MAQAN .
 

CALI MAXAMED BIIXI      

caliwwelli@hotmail.co.uk