Jaaliyada somaliland ee Bristol uk oo udiyaar garoobay 18 may.

18 May 2013 Photo

Waxaa kasocda magaalada BRISTOL UK qaban qaabada munaasidaba 18 may ee maalinta lasoo noqoshada madaxbanaanida somaliland sanad guuradii 23 naad waxa jaaliyada somaliland ee magaalada Bristol uk aya ku hawlanyihii sidii ay munaasibadaasi ay uga qabsoomilahayd magaalada bristol uk . waxana dhamaan laga dareemayaa qabanqaabada xafalada 18 may guud ahaan uk oodhan gaar ahaan magaaladan bristol . iyada oo ay dhamaan dadka ku nooli magaaladni ay iskusii diyaarinayaa kaqayb galka . waxaana lagu qabandonaa munaasibada maalintan, BRISTOL UK 16 may 2014, Bristol city hall, 16 bishan aynu ku jirno hadii alleha awoodaleh uu yidhaado. waxad magaalada dhexdeeda ku arkaysaa diyaar garow fara badan iyada oo calamadii somaliland ay dadki sii diyaarsadeen . hadaba aynu bal dib uyara eegno taariikhada somaliland iyo maraxaladii ay soo martay oodhan. somaliland waxa lagaga dhawaaqay dib ulasoo noqoshadeeda magaalo madaxda gobolka togdheer ee magaalada BURCO.

18 may 1991 kii. waxa burco isku yimi oo go,aanka wada qaatay dhamaan beelaha somaliland oodhan in ay madaxbananida somaliland ay tahay mid muqadis ah oo lama taabtan ah. waxanay beelaha somaliland ee halkaasi isugu yimi ay iswada saxmaxeen waxanay isla qaateen in meel looga soo wada jeesto sidii somaliland loga midho dhalinlahaa. shirkaasi waxa horumuud u ahaa oo hogaaminaayey ururkii SNM, iyo gole guurti ah, waxana ayana door laxadleh kaqaatay oo lagu casuumay dhamaan madax dhaqameedyada beelaha darafyada s/land iyo siyaasiyiin aan ku jirin ururkii snm. Ilaahay naxariistii jano hakawarabiyee cabdiraxmaan axmed cali [tuur] oo wakhtigaasi ahaa gudoomiyaha ururka SNM. ayaa waxa halkasi lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey ee somaliland ay yeelato cabdiraxmaan axmed cali [TUUR], waxan isagana ku xigeen loo doortay XASAN CIISE JAAMAC. oo isaguna haatan ku nool magaaladaha hargeysa ahaana gudoomiyihii ururkii xaqsoor ee hadhay.

habada somaliland waxay soo martay maraxalado kala duwan iyo wakhti kala gadisan. 18 may waa maalin ku sutan taariikhada somaliland waa maalin jiilasha hore u ah wakhti xasuus ah. jiilashadabana dhiirigalin iyo rajo u ah. waa maali ay somaliland ay kabadbaaday inay ku dhacdo godmow oo aanay kasoo bixi karin. waa maalin ubaahan in muwaadin kastaa uu dib u xasuusto. taariikhdii madoobayd. halgankii. rafaadkii. barokicii iyo maatidii lalaayey ama laxasuuqay , iyagoon waxba galabsan. iyo baabi ii ku dhacay shacabka somaliland oodhan. waa maalin mudan in laxasuusto kumayaalkii halyey ee u duurgalay inay shacabkooda ay dulmiga karidaan. waa maali mudan in loo duceeyo oo faataxada loo maro intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18 may waa maalin mudan in laga farxiyo dhamaan agoontii iyo dumarkii ay katageen geesiyaashii naftooda u wayey qaranka somaliland. run ahaan tii masoo koobi karno qiimaha 18 may ee maalin tani ay ugu fadhido qaranaka somaliland. iyo muhiimada ay leedahay. waxaan somaliland u rajaynaa guul iyo barwaaqo iyo in ay caalamka ka hesho citiraaf buuxa inshalah. abdi barud cabdi xarago bristol uk,