Jawab Khadar Ibrahim oo ku khafiifey xisbiga Waddani by Abdi Mustafe

MAQAAL
Fiintu roobka soo socda ayey ka sii oydaa, Khadar na xisbiga Waddani buu ka sii cabaadaa. Marna fili maayo in Khadar fayowyey oo wuxuu ku khafiifey Xisbiga Waddani isaga oo ay u muuqato in Waddani yahay xisbiga la isku raac sanyey oon cidna shaki kaga jirin in uu Kursiga dalka uugu sareeya ku ruqaansan doono 2015 inshaallaa. Khadar wuxuu sheegtaa in uu ka tirsanyey xisbiga Kulmiye oo xaal kiisu halka uu marayo uu isagu markhaati ka yahay. Kulmiye waxa kala jiidanaya Silaanyo iyo Muse Biixi wixii ka soo baxaana waa bur-burkiisa iyo dil-dilaaciisa oo is qoorsada. Kol hadaan Khadar intaa fahmi kareyn waa hubaal in uu yahay nin aan maskaxda ka bed qabin. Ee waxaa is weydiin le nin kii waalan tolkii baa u miyir qaba ee waxa loola dadaali waayey ee caafimaad kiisa loo dar yeeli waayey. There are qualified Doctors in Somaliland such as Dr. Gaboose, please see them for help soonest.
Khadar waxaan u sheegayaa:
Waddani yaannuu kaa buuxsamin Kulmiye wuu tegayaa.
Weliba in aad calaacasho xaq baad u leedey sababtoo ah xisbiga Waddani in uu doorashada ku guuleysanayo ayaa kuu cad hadii kale maalin walaba waxaan macno lahayn maad soo qorteen.
Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la’aaneed dheh
Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh