Joint UN, IGAD, EU statement: International partners call for resolution of the political crisis in Somalia –

UN
Joint UN, IGAD, EU statement: International partners call for resolution of the political crisis in Somalia – Jaallayaasha caalamku waxay ku baaqayaan in xal laga gaaro
 
Joint statement by the UN, IGAD and EU Envoys to Somalia
 
International partners call for resolution of the political crisis in Somalia
 
Mogadishu, 27 May 2014
 
“The Inter Governmental Authority on Development (IGAD), the European Union and the United Nations reiterate their strong condemnation for the attack of 24th May on the Somali Federal Parliament by Al-Shabaab. We commend the response of Somali security forces and AMISOM. We express our sincere condolences to the families of the victims. We remain committed to supporting Somalia’s people break out of decades of conflict and insecurity in accordance with our respective mandates.  
 
This attack shows the need to redouble all our efforts towards peace and state building in Somalia.  
 
We stand united with the people of Somalia to support progress, peace and stability within the framework of Somalia’s Provisional Federal Constitution. Ongoing political instability does not serve the interests of Somalia or its people. Somalia  cannot afford a return to the cycle of deadlock and infighting between political actors that paralysed governments since 2000.
 
The development of a federal system, the constitutional review process and preparation for 2016 elections are behind schedule. The Constitution sets out clear roles and tasks for all Federal institutions, including Parliament, the Executive and the Presidency. Somalia needs continuity and stability. But it also needs faster and greater delivery by all.  
 
Federal institutions should work together in strict accordance with the responsibilities set out for them in the Constitution. We welcome the President’s commitment to reforms after the attack on Parliament. We call on the Executive, led by the Prime Minister, to take timely and decisive action to create greater national unity, improve security and expedite progress on federalism, the constitution and elections. International partners stand ready to support all moves that will enhance peace building and state building and to hold to account anyone who poses an obstacle to such progress.”  
 
***********************************************************************************
 
Bayaan ay wadajir usoo saareen danjireyaasha QM, IGAD iyo EU ee Soomaaliya
 
Jaallayaasha caalamku waxay ku baaqayaan in xal laga gaaro buuqa siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya
 
Muqdisho, 27 May 2014
 
“Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay ku celinayaan cambaareynta xoogan oo ay u jeedinayaan weerarkii Alshabaab ku qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 24-kii May. Waxaan bogaadineynaa fal celinta ay sameeyeen xoogaga ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dadkii ku wax yeeloobay. Waxaa nagasii go’an in aan dadka Soomaaliyeed ku taageerno sidii ay uga gudbi lahaayeen tobaneeyo sanadood oo colaad iyo ammaan darro ah ayadoo la tix raacaayo waajibaadka na saaran.
 
Weerarkaan wuxuu ka markhaati kacayaa baahida loo qabo in aan sii laba jibbaarno dhammaan dadaalladeena ku aadan dhismaha nabadda iyo dalka Soomaaliya.
 
Annaga iyo dadka Soomaaliyeed waxaan ka mideysannahay taageerada horumarka, nabadda iyo xasilloonida ayadoo aan laga bexeynin xeyndaabka Dastuurka Federaalka ee Qabyada ah ee Soomaaliya. Xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda socota wax dan ah uguma jiraan Soomaaliya iyo dadkeedaba. Soomaaliya ma xamili karto in ay dib ugu noqoto raadkii hore ee is-mariwaagii iyo is-qabqabsigii u dhexeeyey siyaasiyiinta taas oo cuuryaamisay dowladihii (dalka soo maray) lagasoo billaabo sanadkii 2000.
 
Horumarinta nidaamka federaalka, hannaanka dib u eegista dastuurka iyo isku diyaarinta doorashooyin dhaca 2016-ka ayaa dib uga dhacay jadwalka howlaha. Dastuurku wuxuu cadeynayaa dowr kala cad cad  iyo howlo looga baahanyahay dhammaan Hay’adaha Federaalka, oo ay kamid yihiin Baarlamaanka, Hay’adda Fulinta iyo Xafiiska Madaxweynaha. Soomaaliya waxay u baahantahay horay u socosho iyo xasillooni. Laakiin waxaa kale oo ay dhammaan uga baahantahay wax qabad ballaaran oo si dhakhso ah loo qabto.
 
Hay’adaha Federaalka waa in ay u wada shaqeeyaan si aan leexleexad lahayn oo waafaqsan mas’uuliyadohooda ku cad Dastuurka. Waxaan soo dhoweyneynaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee dib u habaynta kadib weerarkii Baarlamaanka. Waxaan ugu baaqeynaa Hay’adda Fulinta, ee uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha, in ay qaado tallaabo dhiiranaan leh oo waqtigeeda ku haboon si loo gaaro midnimo qaran oo buuxda, loona horumariyo ammaanka iyo in la dedejiyo tallaabooyinka loo qaadayo xaga federaalka, dastuurka iyo doorashooyinka. Jaallayaasha caalamka waxay diyaar u yihiin in ay taageeraan talaabooyin kasta oo kor loogu qaadayo dhismaha nabadda iyo dalka Soonmaaliya iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo caqabad ku noqota hore u socodka.”
 
 
 
 
Get updates from UNSOM: 
@UNSomaliaÂ