Kala fogaa cidda ku kaliyaysatay khayraadka dalka iyo hummaaga saami qaybsiga ee shirkii kulmiye.

Kala fogaa cidda  ku kaliyaysatay khayraadka dalka iyo hummaaga saami qaybsiga ee shirkii kulmiye.

MAQAAL

Waxa dhawaan maqal iyo muqaalkeena ka batay gaar ahaan todobaadkii aynu soo dhaafnay shirkii kulmiye ee labada cisho socday oo run ahaantii wax natiijo ah oo ka soo baxday jirin.

Hase ahaate waxa ugu waynaa oo carrabka lagu badinayay oo ahayd sheekada fagaaro kaste sidii beeluha u kala lahaayeen kuraasda xisbiga iyo saamiga reer walba. Inkastoo aanay  dhankayga culays badan igu hayn sidii loo kala lahaa saamigan iyo sidii loo kala badsaday iyadoo sababtu tahay wax haba yaraatee macno ah oo ku fadhiyay ayaan jirinba  kii badsaday iyo kii laga badsaday midkoodna  kol haddii aanay qaybtankaasi ka turjumayn xaqiiqada ka jirta maamulka dawaladan Somaliland ee u hogaamiyaha u yahiin  xirsi iyo moorgan+amina waris, oops raali ahaada madaxwayne siiranyo.

Haddaba waxaan jeclahay dulucda qoraalkaygan inaan garab dhigo xaqiiqada ka jirta sida maamulka dawladan ugu qaybiyo khayraadka dalka beelaha degan oo malaha haddii laga tagi waayo ay qurux badnayd inay sidii shirkii indho sarcaadka ahaa ee dadka lagu jaho wareerinayay ugu yaraan ay dadka u tusaan in loo siman yahay .

Waxa la sheegaa oo xaqiiqo ah in tiro aad u faro badan oo ku saaqiday aduunka gaar ahaan dalka la yidhaa ingiriiska xaafadiisa bariga London inay dib ugu guureen dalkii oo xilal lagu wada taxay taas oo ay garab socoto safaro joogta ah oo xilal iyo dhaqaale doon ah oo  ku abbaaran madaxtooyada .

Bal aynu si guud u jaleecno sidii khayraadka dalkan loogu koobay beesha aan kala hadhin iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax xishood ah ama xushmayn la siinayo dadka dalkan ay wadaagaan

  1. Dhamaan (baloogyada) khayraadka shidaalka  ku jira dalka waxaa la siiyay shirkadu ay gadhwadeen ka yihiin niman ay isku beel yihiin madaxwaynaha marka laga reebo  4 baloog oo u  leeyahay ganacsade maxamad yusuf oo helay dawladii Rayaale markay jirtay. Dhamaan 20 baloodh ee soo hadhay waxay ku qoran  yihiin shirkadu ay hor kac u yihiin niman ka soo jeeda beesha madaxaynaha.  Arintan oo ka dhigan in boqolkiiba ay leeyihiin in ka badan  90%.

  2. Madaxa qaybtina mashaariicda shidaalka iyo wasiirka macdantu (waji –xun) waa isku beel kaliya

  3. Mashruuca samaynta lacagta Somaliland waxaa la siiyay nin ay isku reer yihiin madaxwaynaha

  4. Mashaariicda nabadgalayda garoomada diyaaradaha oo ay bixiso dalka ingiriisku laguna qiimayo ilaa 27 malyuun oo lacagta ingiriiska ah waxaa la siiyay nin ay madaxwaynaha isku beel yihiin. Mashruucan oo 2dii sano mar la cusboonaysiiyo

  5. Dhamaan dhismayaasha garoomaha diyaaradaha waxaa la siiyay ninka la yidhaa (cumaani) oo ay isku beel yihiin madaxwaynaha, waa mulkiilihi hore ee hudheelka la seexdo ku lahaan jiray suuqal dahabka dubai

  6. Dhamaan mashruuca qalab keenista garoomada diyaaradaha waxa loo xidhay nin isaguna beesha ka soo jeeda

  7. Dhamaan sidoo kale  mashaariicda tababarka shaqalaha garoomada ee dawalda ingiriisku bixiso waxaa iyaduna u xidhan tahay nin kale oo beeshan ah

  8. Mashruuca qandaraaaska samaynta E-passport ee Somaliland isaguna waxa loogu deeqay nin beeshan ah

  9. Dhamaan mashaariicdii garab socotay GENEL ee adeega iyo qalabka waxay u xidhnayd nin beeshan ah. Waxaana tusaale u ah in Genel ay qoratay 84 landcruiser, 81 ka mid ah waxa la siiyay beeshan oo bil kaste GENEL  ku bixin jirtay 3000 oo dollar. Mar ay ka codsatay shirkada Genel in laga keeno shaqaale tababaran Hargeysa iyo  gawaadhida , waxa si adag isku hortaagay madaxii mashrruca la siiyay oo juffada madaxwaynaha ah kaaso  gawaadhidii landcruiser ahayd ka soo iibiyay jabuuti .

  10. Sidoo kale waxa madax looga dhigay inuu qaato dhamaan qandaraaska adeegyada iyo qalabka ee shirkadii DNO  ee Norway ay u baahan lahayd nin isaguna halkaa ka soo jeeda

  11. Waxa sidoo kale qandaraas loo xidhay dhamaan qalabka mashruuca wadooyinka dhisidoodu ay u baahan yihiin wiil isaguna eebe ka dhigay beeshan barakaysan

  12. Waxa sidoo kale dhawaan la siiyay mashruuca kaluumaysiga ee gobolka Saaxil nin shaqo la’aani ku haysay bariga London oo ku soo caan baxay caydii dawladii Rayaale iyo dhawr jeer oo u ka muuqday dood lagu qabtay tvga universal oo u la galay ambassador cabdi fatax oo la yidhaahdo yusuf isagoo isguna gabood ka soo dhigtay shirkada dalka iiraan laga leeyahay.

Haddaba iyadoo intani ay ka turjumaysa xaalado iska kooban ayaa wax dhabtu tahay in dalkii khayraadkiisii uu u gacan galay dad aan lahayn aqoon ama waayo aragtinimo lagu hogaamin karo ummad. Arimahan cadaalad darrada ahna haddii aan hore wax looga qaban wax hubaal ah in dhaawac wayno soo gaadhi doono dawladii dhawr iyo laabtanka sano lagu soo tabcayay.

Waxaana maqaalada soo socda aan ku soo qaadan doona faahfaahin la xidhiidha mashruuc kaste gaar ahaantii iyo ninka loo xidhay iyo taariikhdiisa haddii eebe idmo.

                                                                                                                               Cumar cali

                                                                                                                Cumarcali74@yahoo.com