Kooxdii Adeerow tigidho noo soo dir oo ku fashilantay waraysigii TV-ga qanaka ka ee xalay

Kooxdii Adeerow tigidho noo soo dir oo ku fashilantay waraysigii  TV-ga qanaka ka  ee xalay

DSCF0863

“Ninkaad kabaha ka tolanayso kabihiisaa la eegaa”, marka u horaysa waxaan kooxdan u saxayaa magaca jaaliyada ay meesha ku soo fadhiisteen oo ay qaldeen, Waxay yidhaaheen, Waxaanu ka soconaa Jaaliyadda ISRAAC Somaliland Community, taas oo aany waxaba ka jirn ,  Ururka ay gudiga u yihiin waxa la yidhaahaa ISRAAC Somali Community Association.  Wax urur ah oo magaca Somaliland Sita Sheffield hal urur ayaa ka jira kaana iyagu shaqo kuma laha.

Waxaan u malaynayaa dadka intaa qalday ama ka beensheegay in wixii kalee aynu ka sugnaaba ay dheeraad ku yihiin.

Arinta waraysiga  xalay ee TV-ga qaranku waraystay kooxdan  ay sida gaarka ah isugu xidhanyihiin ee la rabay in magac aanay lahayn loo sameeyo. Runtii  waraysigu wuxuu ahaa  mid iska soconaya oo aan xiiso lahayn, sababtuna ay ahayd dadka la waraysanayay oo aan waxa laga waraysanayay haba yaraatee waxaba kala socon, oo aan runtii anigu moodayay in ay intaa ka badan ogaayeen sidii ay ku bilaabantay iyo wax keenay taageerada Sheffield taageertay citiraafka SL. Waxa kaloo waraysiga dhadhan kii ka qaaday Weriyaha oo  aan qof qudha ku celin suaashii uu waydiiyay, iyadoo xataa caruurtu fahmi karaysay in aanay suaalihii la waydiiay ka jawaabayne ay wax kale iska dhex dabalanayeen.

Tusaale ahaan waxa la waydiiyay;

Side ugu dhiirateen in aad citiraaf ka raadisaan Sheffield?

Xubintii ugu jawaabta fiicnayd waxay ku jawaabtay, “mudo dheer ayaanu ka shaqaynayn oo ilaa sadex sanadood ayaanu wadnay qadiyada citiraafka localy, nationaly iyo European kaba, waxaanay ahayd arin aan sahlanayn”-  Muu sheegin wax qudha oo la taaban karo oo ay qabteen oo ay ka qabteen local-ka, iyo national-ka toona. Waxa kaloo uu sheegay in ay 60-ka xildhibaan ee labour-ka ah ay aad ula shaqeeyeen- waa arin aan haba yaraatee waxba ka jirin- markaan sidaa idin leeyahay waad ogtihiin in aan ka mid ahay xisbiga labour-ka oo aan weliba xilal ka hayo- waa wax aa suurtagal ahayn in jaaliyad degan xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada ay la shaqayso 60-ka xildhibaan oo ka soo kala baxa dhamaan dacalada magaalada ee kala duwan oo qaar kood aan dad madoobiba deganaynah. Waa arin uun ku tusaysa in aanay waxba ka fahamsanayn sida taageerada Sheffield ku timi.  jawaabna uma aha suaashii la waydiiyay.

Suaasha labaad ee kooxdan la waydiiyay waxay ahayd;

Mudo intee leeg ayay idinku qaadatay in aad arintan ka midho dhalisaan?

Waxa ka jawaabay Adan oo aan filayay inuu intaa ka badan waxa socda ka fahamsanaa, waxaanu suaashaa kaga jawaabay, “councillors ka magaalada qaar ayaan manager u ahaan jiray, councilka ayaan u shaqayn jiray, wax pressure ah oo wakhtiga ahi nama haysan, hirgelinta arinta dhaqaale ayaa naga galay oo waraaqo ayaanu print garaynay, markaanu shirarka tegayno shidaal ayaa naga bixi jiray, wakhti ayaanu gelinay oo wakhtigu waa lacag”.  Marka laga yimaado inaanu Adan xagii suaasha la waydiiyaba u kicin, waxaan aad ula yaabay ninkii qirsanaa in $20000 doolar loo dhiibay hadana tigidho iyo hudheelo iyo xaflado hantidii qaranku ku baxday dhexdabaalanaya oo ku cabanaya ama sheeganaya in uu waraaq/report ah print gareeyay ama shidaal ka baxay. Ceebey tacaal, waa baryo cusub oo qaawan.

 

Waxa kaloo su’aalihii la waydiiyay ka mid ahaa;  waxa jira ururo badan oo SL ah oo u baahan inay iyaguna tan oo kale sameeyaan, waa maxay talaabooyinka aad odhan lahayd hadii aad talaabadaa iyo talaabadaa qaadaan waad ku guulaysanaysaan?

Adan ayaa ku jawaabay; “Qadiyadeena madaxdu way ka dheregsantahay, wax walba way ogyihiin, waxbay akhriyaan. Waxaanu leenahay kaca oo gala shaqada. Waxaanu doonaynaa inaanu budget u helo conference ay yimaadaan xildhibaanadii Sheffield oo si fiican la isu waraysto”- Saaxiibkay Adan halkan wuxuu si cad ugu qirtay inaanu waxba ka ogayn talaabooyin la qaaday oo aanu hayn wax uu kula taliyo jaaliyadaha kale ee reer SL ee kala jooga dunida, wuxuu tilmaamay in loo baahany yahay in arintaa laga waraysto xildhibaanadii labour-ka ahaa ee motion-ka geeyay. waxa kaloo uu dalbaday lacag kale oo uu yidhi conference ayaan ku qabanaynaa, ceebeey tacaal. conference ka ujeedadiisu waa maxay, ma waxa uu doonayaa in Hargeysa looga soo dhiibo lacag kale oo uu jaaliyada ku sii kala qaybiyo, tii hore ee loodhiibay sawtan laisku haysto.

Xubin kale oo kooxdan ka mid ahi wuxuu  suaashan kaga jawaabay; anigu waxaan ku talinyaa in ay jaaliyaduhu arinta ka baaraan degaan oo bisleeyaan intaanay motion gudbin, markaa waxaan ku talinyaa in horta arinka la bisleeyo, intaan mooshin lala cararin.- Jawaabtani waa tii iigu qosolka badnayd, xubintani wuxuu u fahansanyahay in ay jaaliyaduhu motion gudbin karaan, waxaana laga yaabaa in uu u fahansanyahay in ay jaaliyadoodu motion ka Sheffield gudbisay. Waxa kaloo uu ku cel celceliyay arinta in la bisleeyo, sida loo bislaynayo ee su aashu ku saabsanaydna waxaba kama sheegin ahaba yaraatee.

Xubin kale waxay suaashan kaga jawaabtay, waa in aan la si daba yaacin waa in maamul la smaystaa waa in qadiyada SL loo midoobaa- In kastoo aany jawaab u ahayn suaashii la waydiiyay hadana midnimadu waa muhiim, waxaan xasuusinayaa-in aad idinku ka baxdeen  gudigii reer Sheffield u doorteen in ay arintan coordinate gareeyaanee lagu midaysnaa, ee gudoomiyaha u dooratay Barre Aw Gaab, ee uu ka midka ahaa Ismail Duale oo ka mida kooxdiina Haregeysa joogta,  oo aad idinkoo keligiin ah intaad TV-ga qaranka tagteen aad tidhaaheen anagoo qudha ayaa wadna. Hadana idinkoo keligiin ah oo isku family ah dawladu idin soo casuuntay, ma sidaas ayaad midnimada utaqaanaan? xataa wararka aan hayo wakiilka SL ee Uk ma ogayn cusuumadiina, mana ogayn dhaqaalihii hore ee la idiin keenay,  ma sidaas ayaad qaranimada u taqaanaan?. 

Isku soo wada duub oo kooxdani waxay isku cadeeyeen  in aany qadiyada citiraaf raadinta waxba ka ahyn, Sadexda sano ee ay yidhaaheen citiraafka Somaliland ayaanu raadinayna waxa ay qabteen ma jiraan oo way sheegi lahaayeene waxay ka hadlayaan  sadexii sano ee Kulmiye dalka haystay, saaxiibayaal intii hore xagaad joogteen. Ogaada  Shalay ayaad barateene waa la shubi jiray, Sheffield waa meeshii aanu kula  Kulnay Rt Hon David Blunkett MP  xiligii uu ahaa Home secretary-ga UK  (wasiirka arimaha gudah a ee UK) ee uu ogolaaday in uu Somaliland ka caawiyo xaga qalabaynta police-ka, waa xiligii uu Ismail Yare ahaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland, laakiin nasiib darro intii aan arintaasi midho dhalin ayaa la bedelay David Blunket, MPs ka reer Sheffield ee aad tidhi qadiyada Somaliland ayay taageersan yihiin, goormaad barateen, PM Clive Betts waa ninkii aanu 2007 kii Hargeysa geynay si uu ugu qanco qadiyadeena. MP Paul Bloomfield goormaa isna idiinku horaysay, xagaad joogteen markii uu sharaxnaa ee aanu guri walba la garaacaynay. Ma waxaad u malaynaysaan in uu markaad is barateen Somaliland Taageeray. Saaxiib Somaliland isagoo aan MP ahayn ayuu taageersanaa oo weliba aniga iyo Inata la yidhaa Maryan Antony uu noo balan qaaday in uu taageeri doono Somaliland haduu soo booxo, bal wadiiya.

 

 

 

 

Rt Hon Paul Bloomfield MP was strong supporter of Somaliland before he even won his seat. Maryan Antony and I attended this meeting during his campaign and he mentioned both Kashmir and Somaliland in his speech and his support was always a genuine support.

Kursiga uu ku soo baxay waxa uga Horeeyay oo ka retire-ay Rt Hon MP Richard Cabron oo ahaa wasiirkii hore ee Ciyaaraha ee UK, aad ayuu u taageersanaa SL,  xagaad joogteen xiligaas, miyaydaan Sheffield joogin, miyaan qadiyada SL in laga shaqeeyo u baahnayn,

 

 

 

 

Sheffield Labour Mps was always supporters of Somaliland. Cllr Ibrar and I met Rt Hon Richard Carbon at his office.

Maalintan waxaan ka codasaday in uu Sl kala shaqeeyo horumarinta ciyaaraha iyo garoomada Kubadda, aadna wuu u soo dhaweeyay fikradaas, isku dayo badana wuu ila sameeyay.

Xildhibaan Maxamed Maroof isna sidoo kale maxaad kala socotaa sidii uu xildhibaanka ku noqday yaa soo saaray ee abaalka uu manta Somaliland kula shaqaynayo gashaday, xagaad joogteen markaanu maalin walba sidii uu xildhibaan u noqon lahaa kala shaqaynaynay, bal warayso markaad soo noqoto. Idinku manta isgaoo labadii wiig ee ugu dambeeyay doorashada ku jira ayaad cidla kaga dhaqaaqdeen weliba intaad dadkii ku dirteen oo
$20 000 aanu ka war qabin ku sawirteen oo sumcadiisa dhaawacdeen.

 

Saaxiib waxaan mar kale idinkula talinayaa inaydaan gole dambe iman oo aydaan isku deyin naad sheegataan guushaa umada reer Somaliland wada leedahay ee labaatanka sano la dhirin dhirnayay, idinkoo sadex sano gebigiinuba sheeganaya oo aan ogay xataa sadexda sano inaydaan waxba qaban waayo meel aa ka bilowdaanba garanmaysaan. Idinkoo iga raaliya bal idinku dib isu dhegaysta wixii la idin wadiiyay iyo waxa aad ku jawaabayseen.

 

Alaa mahad leh

Mohamed A Issa

Xubin ka mid ah dadkii kaalinta koowaad kaga jiray ololihii Citiraafka SL