”Kulmiye ma wuxuu soo nooleeyey Qabyaalad mise waxa uu nooleeyey Qaranimo ?” Maxamuud Raage

Kulmiye ma wuxuu soo nooleeyey Qabyaalad mise waxa uu nooleeyey Qaranimo ?

 Waddani

 

 

 

 

 

Waxaan halkan salaanta Islaamka usoo marinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland iyo bahda wargeysyada maxaliga ah, runtii inta aanan ka jawaabin su,aasha oo cinwaanka uga dhiqay maqaalkan kooban, waxaan jeclahay in aan idin xasuusiyo in aynu nahay umad Muslimiin ah , waxyaabaha ay shareecadeenu la dagaalanto ama diido ay ka mid tahay Qabyaalada, runtii waxaynu ka dheregsanahay in qabiil iyo qabyaalad kala duwan yihii.

Qabiil waynu ka dhalanay , ma doorano oo cidna ma go,aamin karto qabiilka ay ka dhalatay, waa shay Rabbi gacantiisa ku jirta, waxaana laynoo jideeyey in aynu isku kala garano, waa xigmad illaahay dirtiisa iyo adoomadiisa ku kala saaro, isku guursadaan, isku dhaxlaan,ku gartaan faracooda waana waxtar illaahay uu ilma-Aadan uu siiyey. Waxaa hadaba inaga reeban Qabyaalada oo ah in lays dir sooco, laysku garbiyo , laysku laayo, lays jidh diido , laysugu eexdo, reeraha qaarkood isu arkaan in ay kuwa kale ka sareeyaan, ama tiro ay ka badan yihiin ku maquuniyaan.

Halkan hadaan is idhaahdo Sharci ahaan uga hadal ka geyoon mayno mana lihi aqoon diineed oo badan baan leeyahay, laakiin waxaan culumada ka maqli jiray in uu Macalinkeena, Rasuulkeena Mohamed SCW ku yidhi Asxaabtiisa neef yar oo baqti ah oo meel yaal yaa iga iibsnaya neefkan, markaasay yidhaahdeen yaa Rasuulu Llaah maxaanu ku falaynaa, waxa uu yidhi yaa bilaash ku qaadanaya waxa ay yidhaahdeen Yaa Rasuullu Llaah cidna waxba kuma falayso markaa ayuu ku yidhi iska daaya Qabyaalada , way uraysaa sida neefkaas.

Waxaan idinka codsanayaa in aad 2 minute aqrisaan Illaahay kitaabkiisa Suurada Al-hujrat aayadaha 49:11  iyo 49:13 ka gaari meyno tafsiirkooda ee bal aynu isla eegno, Hadaba waxa aynu ka dheregsanahay Illaahay waxa uu ina siiyey fursad aynu diintiisa wanaaga ka qaadano, Runtii waa ka sii jeednaa, Democratic baa afkeenu u badan yahay.

Madaxdeenuna waxay dadka ku hanuuniyaan Dimocratic, iyada naftirkeedu kala sareynta, iyo dulmiga qabyaalada ma soo dhoweyso, hadaba bahweynta Kulmiye Dadkii waxa ay soo dhex dhigeen qabyaalad aad u fool xun  iyo fidno.

Runtii waxa aan ka naxay marka aan aqriyey habka ergada loo qaybsaday oo hadaan usoo noqdo beesha aan ka dhashay ee HJ oo nin u qeybin jiray berigii hore siduu doono haka yeelee , ayaa la yidhi waxaa loo qeybiyey Muse , Maxamed iyo HJ kale ama waxa xamar looga yaqaan Others , intaa laguma ekaan ee waxa la yidhi Golaha Dhexe usii qeybsada Jifi hoose , markaasa waxaa dadkii la dhex dhigay dagaal , colaad iyo waxaan loo dul qaadan Karin. Waxaa ilaa maanta taagan colaad iyo is qabad gaadhay heer hoose. Qeybtan HJ loo qeybiyey waa wax ku cusub taariikhda beesha waana dulmi qaawan oo u baahan in laga hortago.

Ma banaana islaamiyan in nin magaciisa la sheego ninka kalena la qariyo iyaga oo lagu tilmaamayo Huwan, micnaha ku jiraa waa kala badnaansho , Illaahay ha u naxariisto  Waraabe Cade , rag waa ragii hore wuu u qeybiyey Guurti beesha HJ waxana uu kasoo saaray 5 nin , Reerka uu ka dhashay baa rag ka mid ahi yidhaahdeen maxaa laga yeelayaa Reer Daahir kumaad Darin waxa uu yidhi Reer Daahir Anaa Ka dhashay oo waad qadiyey.

Waxaynu arkeynay baaqyada kasoo yeedhayey beelaha Makaa,iil Sacad Muuse, Ba- Muxumad Biciide, Samaroon, iyo kuwo kale.  Casharka ay soo bandhigeen reer Kulmiye waa ka guur, waxaan la dardaarmayaa Ardayda iyo caruurta Reer Somaliland , fadlan ha qaadanina casharkan ka istaaga halkii Rasuulkeenu iska Taagay.

fadlan qofka ku qiimeeya shaqsiyadiisa, Wanaagiisa, Taariikhdiisa, iyo dhaqankiisa, ma haboona in Qabyaaladu noqoto Furaha Nolosha. Runtii waxaan ka raali gelinayaa Beelaha ay ku dhacday Qabyaaladan qaawan iyo kuwa lagu sheegay kuwa kale.

Doodan waxa aad kala socon doontaan Barnaamijyada aan ku qaban Doono Hargeysa bisha Jun 15 insha Allah haduu Rabbi idmo.

Hadaba Jawaabtu waa Kulmiye waxa uu soo nooleeyey Qabyaalad qaawan.

Maxamuud Raage Ibrahim

Birmingham

UK