Laba Duruufood Iyo Laba Dawladood Oo Kala Duwan

Laba Duruufood Iyo Laba Dawladood Oo Kala Duwan

silaanyo vs xasan

Waa run oo wuxuu  haystaa aqoonsi ramhaad ah, hase yeeshee waxa uu la daalaa dhacayaa qodaxda noocyada kala duwan leh ee cagihiisa diirka ka saartay. Waxa taas sabab u ah dawladnimadda qalfoofka uun ah ee dalkiisa ka jira.

Waa Madaxweynaha Soomaaliya  Md. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xarunta madaxtooyadda Muqdisho ku ilaaliyaan ciidammo ajanabi ah, waxaanay dhegahiisu barteen dayaanka qaraxyadda iyo dilalka is-dabo jooga ah ee aan dhammaadka lahayd oo  caalamad  u ah nabad-gelyo la’aanta iyo dawlad la’aanta ka jirta dalkiisa Soomaaliya muddo rubuc qarni ah oo ay  dagaalo wajiyo kala duwan lihi halakeeyeen.

 

Haddana, ninka sidaas u  dhibani waxa uu ku dherersadaa oo uu sheegtaa Somaliland oo leh rasamaal dawladnimo oo 23 jirsatay isla markaana uu Hoggaamiyo  madaxweynihii afraad oo ku yimid codka dadweynaha afar sanadood ka hor. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo haysta iraadada iyo rabitaanka ummadiisa.

Shalay Somaliland waxa looga dabaal-degay markii Somaliland ay ka guurtay gurri-caskii Soomaaliya, kumanaan dadweyne ah ayaa magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa shalay si qiiro leh u  socod ugu maray munaasibadda 18-ka may, iyagoo wajiyadooda ku soo midabeeyay calanka  tawxiidku ku yaalo ee Somaliland.

Waxa ka mid ahaa dhalinyaradii dabaal-degaysay kuwii dhashay maalintii dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland lagaga dhawaaqay magaaladda Burco 18-kii bishii May sanadkii 1991-kii.

Dhalinyaradaasi may arag waligood meel ay ka taliso Soomaaliya, hase yeeshee waxay sheeko iyo taariikhda ay waalidkood kala hadhayaan ay ku hayaan in Dawladii Soomaaliya ay xasuuqday kumanaan kun oo qof oo rayid ah oo ay duqaynayeen diyaaradihii dagaalka ee ka haadayay magaaladda Hargeysa iyo diyaarado shisheeye oo ay duuliyeyaal ka ahaayeen calooshood u shaqeysteyaal ajanabi ah oo loo soo kiraystay xasuuqii shacbiga.

 

Shalay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka muusooday ciidamaddii qalabka siday ee gaardiska ku maray jidka wadnaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa oo uu salaan sharaf ka qaatay, ayuu dawlada shisheeyuhu  abuureen ee dalka Soomaaliya u soo jeediyay inay laabtooda ka jaraan midowgii Soomaaliyeed ee calankiisu dhacay.

“Walaalayaal, awrkii dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuurro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo intii uu khudbadiisa ku gudo-jiray ay sacadka u garaacayeen kumanaan kun oo qof oo khudbadiisa ka dhegaysanayay fagaarihii loogu dabaal-degayay munaasiabida 18-ka May iyo kuwo ka dhegaysanayay qalabka warbaahinta.

Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah waxa mucaarid iyo muxaafidba ay u midaysan yihiin taabo-gelinta qaranimadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xuskan kaga qeyb galay dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa dhambaalka hambalyada ah ee uu bulsho-weynta u diray ka sokow, shaaca ka qaaday in cadowga Somaliland uu candhuuftiisa dib uga liqayo marka uu daawado cududa ciidammadda qalabka sida ee dhoolatuska shalay ku sameeyay caasimadda Hargeysa.

 

 

“Waxaan daawaday ciidammadda Somaliland shalay markii ay marayeen magaaladda Hargeysa, waxaan filayaa inay raggii Somaliland u soo bu’ayay ay candhuuftooda dib u liqayeen,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Xuskani waxa uu ku soo beegmay iyadoo dhawaan ay Golaha deegaanka ee magaaladda Shefield ee dalka Ingiriisku ay shaaca ka qaadeen inay aqoonsadeen madax-banaanida Somaliland. Waxaana xalay illaa shalay dalal badan oo ku yaalla Yurub, Maraykanka, Afrika iyo Asia ay jaaliyadaha Somaliland ay ka dhigeen xaflado waaweyn oo ay ku muunaynayaan munaasibadda 18-ka May.

 

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com