Maanso …..mataanaa is jecel……Curiye. Waa . maxamuud cismaan faarax (moholin )

maanso

10 / 5 / 14

waxa  aan  salaamayaa  Salaan-media

iyo  inta  ku  xidhan

..

Waa  maanso  la magac  baxday

Mataanaa  is  jecel.

Waxa  ay  ka  hadlay-saa  wanaag  iyo  is  jacayl

In  aad  wax  walba  ku  gaadhayso

Cadho  iyo  adadayg-na  aad  wax  walba  ku

Waa  yay  so  waa  xaqiiqdii  labadaa-suun

Ayaad  kala  dooranay-saa.

Aan  bilaabo

….

Aan  mariyo  maansada-tan  weyn

Maqalnna  raac  dayne

( MUXYIBAAN ) baryee  ay  heshaa

Kii  macnaa  garane

Mataanaha  is  jecel  yaa  ka  baxa

Mooska  loo  dhigaye

Marraaq  iyo  dabkii  lagushiduu

Damin  ma hiigaane

Mooradu  wanaag-bay  siddaa

Mayayga  roobaade

Muggiinaa  la  wada  eegayaa

Manta  dunidiiye

Miisaanna  waa  saran-tiin

Magaca  qiimayne

Midigta  iyo  bidix  kaa  martaan

Yaa  majiira,ahe

,,,

Murug  iyo  waxaad  diidantee

Muran  walaal  kaaya

Mar danbiyo  heshiis-baa  ku roon

Maara  loo  heliye

Midda  qaranka  yaa  waa  fiyee

Mudan  horray-siiya

Daaradaa  ku  meermeer  tolow

Yaa  masiiba,ahe

Maggenada  inaa  dhawra-taan

Geliya  maan  kiinna

Maalmaha  ku  wii  soo  socdiyo

Maqanta  faaleeya

Ninkaan  adiga  kaa  maarmi  Karin

Yaad  maciis  taha,ye

Adna  meesha  uu  kaa  xigaan

Soo  marayn  cadawe

Khasabbaa  ku  wada  maalaysaan

Godolka  maandeeqe

Yaan  misgeed-ka  labadeeda  dhinac

Midi  banna naanin

Miyir  iyo  hubsiinaa  ku  roon

Madaxda  waa  weyne

Anigaa  metela  yay  ku lumin

Tii  muhiim  ihiye

Maskax  lagu  wadaagaa  ku  roon

Meel  kastooy  tahaye

….

Yaa  maali  jirayey  lagu  helyoo

Mahad( ALLAY  )  taale

Yay  madax  adayg  kaaga  lumin

Meel  fogu  tuuro

Maan  yare  ayuu  kuugu  talin

Garanin  miin-keeda

Moos  ciida  yuu  kaaga  rogin

Midhaha  aad  beer-tay

Madaw-giyo  caddaan  kaba  usheeg

Meeshan  anigaa  leh

Lixdan  kii  markhaa-tiga  qabsoo

Miiska  wada  saara

Waa  maca  salaamee  ku  dhaha

Tayda  haw  muhanin

 

Curiye. Waa . maxamuud  cismaan faarax (moholin )