12 / 5 / 2014
WAXAÂ AANÂ SALAAMA-YAAÂ SALAAN-MEDIA
WAAÂ MAANSO
MAALMAHAÂ MEY
Hadba  meesha uu sahamiyaa
Gabay muquurtaaye.
Maalin aan la soo koobi Karin
Badi  maqaam keeda
Maalin weeye ay geesiyaal
Muujiyeen cudude
Maalin wee ye macaan noo ahiyo
Malabka geedaaye
…
Maalin weeye maandeeq dhashoo
Maala yaan ubade
Maalin wee ye   muran reebtayoo
Keentay maqanii ye
Maalin weeye midabaala-haa
Calankan miisaaman
Madaxiisa tawxiid ku yaal
Sare umuujeene
…
Maalin weeye maamkeenna weyn
Gooni loo midhaye
Maalin weeye muxubiyo kal gacal
Suuqa loo maraye
Maalin weeye aan dhalasha-deed
Mawdka hee nidhiye
Maalin weeye maalkii la dhacay
Soo midhtiri-yeene
…
Maalin-tii libaax iyo hayd
Mici liskii-siiye
Maalin tii marley-deenna dumar
Ay mashxara-deene
Booliga ku wii meersan jiray
Ee mudada dheere
Maalin weeye muruqii lahaa
Wadha yay meydkoode
…
Maalintaa qadhaadh ee macaan
Marag furkeedii dheh
waa maalintay soomaali-laan
Wada maggaw-yiin dheh
Waa muxaafid koodiyo dhammaan
Kii mucaarid-ba
Maalintay u wadea heelan yiin
Magac yadeedeaa dheh
…
Malaayiin afkani koobi Karin
Maalintaa badan dheh
Madmadaw mid uu kaa galiyo
Maaha dhalan-teede
Waa mid runa magaaf diidanaw
Meyda taa yaduye
Ka cidlada ku meermeera-yaw
Adiyo maan kaaga
Â
Curiye waa . moholin