Maayarka Magaalada Gabiley Oo Casuumad Sharafeed Hordhac Ah Ku Maamuusay Badhasaabka Cusub ee Gabiley Mustafe Shiine + Sawirro

Maayarka Magaalada Gabiley Oo Casuumad Sharafeed Hordhac Ah Ku Maamuusay Badhasaabka Cusub ee Gabiley Mustafe Shiine + Sawirro

May 7, 2014 

Hargeysa (SM)- Maayarka Gobalka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa xaflad hordhaca oo soo dhaweyn ah u sameeyey badhasaabka cusub ee dhawaan Gobalkaasi loo magacaabay Mustafe Cabdi Ciise [Shiine] waxaanu Maayarku xafladdaasi u soo wakiishay ku xigeenkiisa Cabdi Gole oo xafladdaasi ku matalayey isaga iyo Gobalka Gabileyba.

Munaasibadda xafladdaasi oo ahayd qadasharafeed ay qaarka kamida dhalinyarada reer Gabiley ku maamuuseen badhasaabka cusub oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qaybgalay wasiirka warfaafinta,wasiirka warshadah,wasiir ku xigeenka warfaafinta,wasiir ku xigeenka Ganacsiga agaasimayaasha warfaafinta,arrimaha dibadda iyo maayar ku xigeenka Gabiley,Mudane Cabdillaahi Xuseen Cige [Black] iyo dhalinyarada casuumadda u fidiyey badhasaabka cusub iyo dadweyne kale oo farabadan.

Munaasibaddaasi waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay wasiirka warshadaha Aabiib Iibaan Nuur [Abiib Timacad] waxaanu sheegay inay Badhasaabka cusubi yahay nin aqoon u leh dadka reer Gabiley “maanta maaha Mustafe Shiine nin ku cusub Gobalka Gabiley waanan nin aanu horey u soo wada shaqaynay” ayuu yidhi Mr Timacad.

Dhanka kalana waxa uu tilmaamay inay meel iska shabahaan Gabiley iyo gobalka uu ka soo jeedo badashaabkan cusubi “waxaa la yidhaadaa reer Balbeedku hal ill-bay dabaan [isku qqabtaan] reer Ceerigaabana labadaba way isku qabtaan” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Abiib Iimaan Nuur Timacad.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye Maayar ku xigeenka Gabiley Cabdi Gole waxaanu sheegay inuu Gobalka Gabiley yahay kan ugu dhalinyarada badan isla markaaga ugu khayraadka badan.

Waxaanu xusay inuu gobalkaasi khayraadkaasi ku darsaday inuu leeyahay dhalinyarada ugu badan ee Gobal ahaan Somaliland oo dhan ‘Gobalka Gabiley waa kan ugu dhalinyarada badan waanan soo dhaweynaynaa Badhasaabka cusub” ayuu yidhi mudane Gole.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir waxaanu sheegay magacaabsita Mustafe Shiino ee badhasaabka Gabiley inay tahay siyaasadii uu hoey u qaatay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo had iyo jeerba dhiirigaliya dhalinyarada.

“Xilkan cusub ee Mustafe Shiine loo magacaabay waxay tubka ku haysaa siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo horey u qaatay oo ah inuu dhalinayrada dhiirigaliyo waayo dhalinyarada uu magacaabay waxaa ugu da’weyn aniga iyo Cabdillaahi Cukuse Mustafe Shiine-na waxa uu kamid yahay kuwa ugu da’dayar” ayuu yidhi Mr Xariir.

Waxaa ka hadlay Badhasaabka cusub ee xafladdaasi qado sharafeedka ah loo sameey taas oo sida xagga sare ku xusan uu kharashkeeda bixiyey Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Mustafe Cabdi Ciise [Mustafe Shiine] waxaanu ka waramay dareenkiisa xaflada hordhaca ah ee uu ku qaabilay Maayarka Gabiley iyo guud ahaan dadka Gobalkaasi.

“waxaan aad ugu faraxsanahay munaasibaddan qaaliga ah ee ay maanta dadka reer Gabiley igu soo dhaweynayaan” ayuu yidhi Mr Shiine.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu ogaaday Gobalka Gabiley inuu yahay kan ugu dhalinyarada badan “waxaan ogaaday Gabilay inay tahay magaalada ama gobalka ugu dhalinta badan “waxaan ogaaday Gobalka Gabiley inuu yahay kan ugu dhalinyarada badan waayo 3 cisho ee aan magacawnaa waxaan helay ugu yaraan 400 oo Email oo Iiga timid dhalinyarada reer Gabiley” ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu doonayo inuu si dhaw ula shaqayn doono dadka Gobalkaasi gaar ahaan dhalinyarada “waxaan diyaar u ahay inaan si dhaw ula shaqayn doono dadka reer Gabiley” ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul waxaanu sheegay inuu la qabo masuuliyiintii ka horeysay soo dhaweynta badhasaabka cusub Mr Shiine “waanu soo dhaweynaynaa Badhasaabka cusub waana nin wariye ah oo dadka aad u yaqaana” ayuu yidhi Mr Dhuxul.

Ugu dambeyntiina waxaa xafladdaasi ka hadlay wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir [Cukuse] waxaanu sheegay magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Mustafe Shiine Badhasaabka cusub ee Gabiley inay tahay sida uu horeyba u sheegay wasiir ku xigeenka Ganacsigu siyaasadda xukuumadda Mdaxweyne Siilaanyo inuu sare u qaado mooraalka dhalinyarada si looga faa’iidaysto maskaxdooda cusub iyo aqoontooda casriga ah.

“in Mustafe Shiine loo magacaabo Badhasaabka Gabiley waxay kamid tahay siyaasadda xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] waxaanay kamid tahay ballan qaadyadiisii uu horey u sheegay waanan soo dhaweynaynaa badhasaabka cusub ee Gabiley Mustafe Shiine” ayuu yidhi Mr Cukuse.

Salaanmedia/Hargaysa