Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbigu ha kulmeen oo haka tanaasulaan kala jebinta Kulmiye iyo wadankab

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbigu ha kulmeen oo haka tanaasulaan kala jebinta Kulmiye iyo wadankaba

unnamed

Markiisii horeba xisbiga Kulmiye wuxuu ku bilaamay wareer iyo is afgarad la’aan dhexdooda ah, taasanaa keentay in madaxweyne Siilaanyo ku mideeyaan tafaraaruqooda , laakiin shuruudo iyo wada tashi ayaa halkaa lagu soo gaadhey oo dhidibada u aasay inay ku guuleystaan doorashadii wadanka ka dhacday.  Markaa tii wakhtigaa lagu heshiiyey ayuunbaa tana maanta soo rogaal celisay.  Khailaafku siyaasada laysagaga hor yimaadaan waa iska caadi, oo siyaasiyiin isku dhowaa, ayaa mar keliya ku coloowa jihada siyaasada xisbiga ku socdo amaba isu bedelay.

Muuse Biixi xisbiga iyo wadankaba wuu u soo halgamay, waana halyey qaran, markaa waa inaan la dhayalsan ambitionkiisa ah inuu mar’uun noqdo madaxweynaha mutaqbalka Somaliland, laakiin malaa wuu ka yar horboodey intaanu silaanyo dhamaysan his second term.  Horta sideedaba aduunka kama dhacdo, amaba waaba insult waxa lagu magacaabo ‘’one term president’’, weliba maca daalik madaxweynahu wakhtigan xaadirka ah, waa qofka keliya ee isku hayn kara xisbiga, waayo had iyo jeer xisbigu wuxuu u baahan yahay figure head taariikh iyo waxqabad u saaxiib ah.  

 

Shaki kuma jiro in madaxweyne Siilaanyo sharaftii iyo dhaqaalihii wadankaba kor u soo qaaday, waayo isaga ka hor waxaan odhan karaa wax Somaliland la yidhaahdo oo aan magac ahayn may jirin.  Aduunkuna intii uu xilka hayey ayay ku soo dhiiradeen inay wax la qabsadaan amaba aqoonsadaan dawlad Somaliland la yidhaahdo, marka loo eego sida aay iminka tahay wadanka Somalia, ee aay aduunku ictiraafsanyihiin ee aay weliba malaayiinka ku spend gareeyaan si aay u noqoto dawlad shaqaysa, laakiin nasiib daro aay ku guul daraysteen.  Halka inaguna wadankeena aynu iskaa wax u qabso ku dhisanay, oo weliba nabadu inoo dheer tahay.

 

Hadaba dhibaatada ugu weyn ee dadku ku eedeeyaan Siilaanyo waxa weeye inuu yahay keligii taliye aan cidna la tashan marka uu go’aan samaynayo, oo haduu cid la tashadana uu la tashado circle yar oo paranoid ah, oo iska hor keena madaxweynaha iyo xisbigiisa iyo weliba umada reer Somaliland.   Madaxweynuhu qaladaad badan ayuu sameeyey, oo aay ka mid yihiin inaanu la tashan xisbigiisa iyo xisbiyada mucaaradka qaranka, iyo weliba sida uu u isticmaalo government machinery sida policeka, judicial system, iyo qolyaha lagu magacaabo RRU, oo aad moodo in badiyaaba loo isticmaalo cadaadinta mucaaradada madaxweynaha ee kala duwan.

 

Waxaa had iyo jeer dhacda in madaxweynaha Somaliland iyadoo wax walba meel fiican u marayaan, oo loo hanweynyahay ayuu waxyaabo aan necessary ahayn ku dhaqaaqaa mar qudha, oo markaa dib u hakinaysa hor u socodkiisii.  Madaxweynuhu waa inuu diplomaasi noqdaa, oo dadka soo jiitaa, khaasatan dadka ka sii jeeda isaga.  Nasiib daro halkuu mucaaradkiisa ka soo dhoweyn lahaa, isagu waxaabuu iska eryaa saaxiibadii..  Anigu waxaan kula talin lahaa madaxweynaha, please ama af democratic noola kaalay ama af dictatorship.

 

Dadka shicibka reer Somalilandna waxaan u soo jeedin lahaa inaanay tribal mind set amaba emotional driven aanay noqon oo aay iska ilaaliyaan deg dega faraha badan.  Waa iska caadi oo koleyba gudoomiyaha iyo madaxweynaha taageerayaal bay leeyihiin, laakiin waa inay sugaan waxa ka soo baxa heshiisiinta u socda labada garab ee kulmiye isku haysta.  Hadii markaa heshiisku uu noqdo deadlock, oo markaa sidaa ku kala haajiraan labada garab, markaa waxaa haboon in qoloba musharaxooda u taageerto si nabad ah oo aan dhibaato wadanka u keenin.

 

Waayo hadii dadka caamada ah ee aan mustaqbalka iyo midnimada Somaliland si qoto dheer u fahansanayn aay rabshad iyo caadifad iminka bilaabaan,  waxay arintaasi khatar u leedahay nabada iyo wada noolaanshaha dadkeena.

 

Runtii waa ceeb in Muuse Biixi iyo Siilaanyo iskaga horyimaadaan siyaasadii aay weligood soo wada wadeen, ee wadankuna ku soo caana maalay.  Dhibaataduna waxay ka timi isla tashi la’aanta iyo shakiga kala dhex galay labada garab ee kala raacsan madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga.  Arintuna Waxay ka bilaamatay markii madaxweynuhu noqday keligii taliye aan cid la tashan, oo aan ahayn wax magaratada ku wareegsan isaga.   Waana arintaas keligii talisnimada amaba siyaasad xumida madaxweynaha ayaa ku keliftey in uu Muuse Biixina awoodiisii xisbiga istcimaalo, oo aanan runtii anigu shakhsi ahaan qalad u arkayn.

Iminkana waxaan ku talin lahaa in nabada la sugo, oo heshiiska la wado la sugo oo aan laga hor dhicin, dabadeedna madaxweynaha iyo gudoomiyuhu face-to-face u kulmaan oo go’aan midaysan soo wada saaraan, iyagoo si cafiyey.  Siiba Madaxweynaha  waxaan kula talin lahaa wadankeenu meel xun buu marayaa  ee adna hays galaafan, wadankana ha galaafan.  Weliba waxaan kula talin lahaa in madaxweynuhu deb debac la yimaado,  oo arigtadiisu aay ka dheeraato shanta sano ee soo socota.

Ali Dhinbiil

ali.dh@hotmail.co.uk