Madaxweynaha Somaliland Haldoor .(Siilaanyo) Uu u Qalmaa inuu Mar Labaad isku sharaxo Madaxtinimada Somaliland .

Marka hore waxaan salamaayaa bahda saaxafada madax baanaan ee Somaliland iyo waliba akhristayaasha sida tooska ah ula socda wararka ay soo gudbinayaa saaxafada Somaliland

 

Hadii aan u gudo galo  maqaalkaygan ciwaankiisu kor ku xusan yahay ee aha Madaxweynaha Somaliland Mudane .Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u Walmaa inuu Mar labaad isku sharaxo madaxtinimada Somaliland , waa xaqiiq maanta in ay bulshada Somaliland ay marag cad u tahay waxaqabadka uu sameeyey mudadii uu xilka madaxweyne hayey intii uu la  wareegay taladii Somaliland .

Haldoor Siilaanyo waxa la wada socotaan in ay xukuumada maanta joogtaa tahay xukuumada waxqabadka iyo hormarka Somaliland maadaamo oo ay waxabadan ka qabteen hadii ay tahay Nabadgelyada , Caafimaadka , Waxbarashada , Siyaasada Arimaha Dibada , Dhaqaale Kordhinta , Ictiraaf raadinta Somaliland , Wadooyinka iyo bilicda Dhismayaasha Dowlada ,

Waxa la wada ogyahay intii dowlada xukunka qabtay in qodobadaasi aan kor ku soo sheegay iyo kuwa ka badan ay qabatay oo maanta la mahadiyey .

Maanta hadii uu marlabaad isku soo sharaxay madaxtinimada Somaliland  Madaxweynaha Somaliland Haldoor Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo waa u qalmaa maadaamo wadanka waxa ka qabtay lana arkayo ,

Haldoor Siilaanyo waa Madaxwaynihii u horeeyey ee intii Somaliland dhisnayd soo mara gobolada Somaliland taasi oo uu u kuur galiyey xaaladada nololeed ee bulshada ku nool goboladaasi Somaliland oo dhan  . waxaanu helay xogta rasmiga ah ee ka jirta deegaamadaaasi Min Saylac ilaa Laasqoray  isaga oo mashaariic cusub dhagax dhigay , halka uu mashaariic badan uu xadhiga ka jaray .

Maanta bulshadu waxa la ogyahay  ah in qofkii waxqabtay uun la dooranayo waxaan la wada ogsoonyahay maadaamo balanqaadayadii uu balanqaaday Haldoor.Siilaanyo ay fuleen 90% ay umada Somaliland 80% taageero buuxda u hayaan maanta .

Si kastaba ha ahaatee waxa marag ma doon ah in xukuumada tallada haysaa maanta ay qabatay waxabadan oo aanay qaban xukuumadii ka horeeyey ee Somaliland soo mara .

Ka dhalinyaro ahaan maanta hadii Haldoor Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  uu is sharaxay waanu soo dhawaynanaa . Taasi oo aanu ku taageero in maanta xukuumada tallada haysaa ay u badan yihiin ragga dhalinayaro ah oo siyaasada soo galay taasi oo uu jaanis u ogolaaday inay siyaasada Somaliland ka muuqadaa madaxwaynaha Somaliland .

Haddii mar labaad la doorto waxa marag cad ah in uu haldoor siilaanyo inta maanta iyo in ka badanba uu qaban doono ,maadaamo maantaba meel wanaagsan gaadhsiiyey .

Guntii iyo gabobadadii waxaan bulshada reer Somaliland ugu baqaynaa inay taageeraan go,aankaasi musharaximada madaxtimada Somaliland ee uu madaxweyne Haldoor Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhawaaqay wasiirka warfaaftinta Somaliland .

Qore .Yacquub Abdilaahi Omar

Email: yacquub49@hotmail.com  h

Hargeisa .Somaliland