Madaxweynaha Somaliya Oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka + Daawo Sawirada

hlpf2May 10,2014 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa Jimcihii shalay shir kaga qaybgalay Xarunta Xalane, oo ku taal Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka qaybgaleen in ka badan 15 Safiir iyo wakiillo wakaalado caalami ah, ayaa waxaa dib loogu eegay horumarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo taageerada la xiriirta ee Beesha Caalamka, si loo xaqiijiyo howlihii Barnaamijka Higsiga Cusub, Aragtida Fog ee 2016 iyo Ujeedooyinkii Nabad iyo Dowlad Dhisid (the New Deal Compact, Vision 2016 and the Peace and State building Goals).
hlpf3
Shirkaan waxa uu kormeer u yahay Fulinta Barnaamijka Heshiiskaas waana meesha ugu muhiimsan ee looga hadlo ahmiyadaha nabad iyo dowlad dhisidda Soomaaliyeed inta u dhaxeysa 2013 iyo 2016. Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in ay waafajiyaan taageeriddooda Soomaaliya mudnaanta heshiiskaas ee ay Soomaaliya u baahan tahay sida: Wadahadalka Siyaasadda ee loo dhan yahay, Nabadgalyada, Cadaaladda, aas-aaska dhaqaalaha, dakhliga iyo adeegga.
hlpf4
Isaga oo ka hadlaayay Madasha Madaxweynuhu waxa uu cadeeyey in Dowladda Federaalku ay wax badan ka qabatay ujeedooyinka lagu heshiiyey. Waxqabadka la soo bandhigay waxaa ka mid ah xoreynta laga xoreeyay dhibkii Al-Shabaab 3 milyan oo qof oo deggan 9 magaalo iyo 6 gobal. Qaababka taageerada lagu xoojinayo taageerada horumarinta sida Unugga iskubadrididda Gargaarka (Aid Coordination Unit) iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Dib-u-dhska Soomaaliyee ( and the Somali Development and Reconstruction facility) oo la sameeyayey si loo hubiyo garagaarkii Soomaaliya loo ballan-qaaday in la iskuduwey lana ilaaliyey.
hlpf5
Hadaba si loo helo hufnaan iyo maamul maaliyadeed oo wanaagsan, Bangigii Dhexe ayaa boorka laga jafay iyada oo la magacaabay Guddoomiyihii Bangiga, Ku-Xigeenka Guddoomiyaha iyo Golaha Maamulka Bangiga iyo Guddiga Maamulka maaliyadeed iyo waliba Guddiga kormeerka maaliyadeed. Horumarka Kaabayaasha waxaa ka mid ah 35 KM oo jidad Magaalada Muqdisho dhexdeeda ah, mashruucyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Dhisidda Xarun-maamuleedka degmooyinka, Maxkamadaha, saldhigyada Booliska, isbitaallada iyo ceelal biyaha oo laga billaabey Jowhar iyo Marka. Sanduuqa Deeq-bixiyeyaasha badan ee Qaramada Midoobay (The United Nations Multi-donor Trust Fund) waa mid shaqeynaya oo lacagtii waxa ay billowday in ay ku soo qulqusho khasnadda middaas oo wax katareysa shaqada bangiga Dhexe. Kooxo Shaqo oo ka shaqeynaya Ujeedooyinka shanta (5) ah ee nabadda iyo dowlad-dhisidda ayaa la dhishay kuwaas oo kujira howlo la taaban karo oo ah barnaamijo la fulin karo. Qorshaha lagu gaarsiinayo Aragtida 2016 Goballada si loola tashto ayaa heer gabogabo ah maraayo.
hlpf6
“Soomaaliya wey xaqiijineysaa ujeedooyinka Higsiga Cusub. Waxaa farxad noo ah in aan maanta kala doodno saaxiibadeenna Beesha caalamka qorshoyaasheenna si wadajir ah uga baaraandageyno wixii la qabtay. Ujeedooyinku waxa ay u baahan yihiin qorshe iyo howl adag si ay xaqiiqo u noqdaan. Bilo badan ayay naga qaadatay in aan dhameystirno qorsheyaasha iyo istaraatiijiyooyinka muhiimka u ah in la hubiyo marka ay barnaamijyadan miro dhalayaan Soomaaliya oo dhan iyo in ay yihiin kuwii saxda ahaa ee isbeddelka sameyn lahaa.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Maanta waxa aan ka faa’ideysaneynaa halka aan mareyno waxaana naga go’an lixda meelood ee u baahan xalka deg degga ah. Lixdaas meel waa: Dhammeystirka Higsiga 2016, sameynta Guddiga Federaalk, Guddiga Doorashooyinka, Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka, sameynta maamullada KMG ah ee degmooyinka iyo sameynta guddiyada nabadgalyada ee meelahaas.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.
download
“Waxaa na horyaalla ajandha hanweyn waxa aanna fileynaa la shaqeynta saaxiibadeen dhammaan hey’adaha Dowladda iyo saaxiibadeenna caalamiga ah si loo helo natiijo lagu dhiso soomaaliya oo sidan ka wanaagsan.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa waxa uu sheegay in Somaliya iyo Caalamka isku waafaqeen, in si deg deg ah loo soo ambo qaado waxyaabaha horyaala.

“Maanta Beesha Caalamka iyo madaxweynaha Soomaaliya Waxa ay ay sii adkeeyeen go’aankoodii ahaa in horey loogu sii socdo si deg deg ah. Waxaa jira arrimo badan oo in la qabto loo baahan yahay khatartuna wey badan tahay.” ayuu iri Nicholas Kay.
hlpf1

Salaanmedia/Hargaysa