Madaxweynaha Somaliya oo shir jaraa’id qabtay, kana hadlay Xildhibaanada ku baaqay in uu is casilo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee Isniintii soo jeedisay in uu is casilo Hogaanka Dowladda.

Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde, ayaa wuxuu sheegay in uu aad iyo aad u soo dhoweynaayo ra’yiga , xilligaan lagu dalbanaayo in Xafiiska Shaqada uu isaga taggo, diyaarna uu u yahay in uu la hadlo.

Madaxweynaha, ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta Magaalada Muqdisho, si xor ah ay dadku fikradahoodu kaga hadlaan, taasina ay muujineyso in Soomaaliya ay horey u dhaqaaqday, sida uu sheegay.

Wuxuu kaloo sheegay fikir kasta oo la cabiraayo in uu lee yahay meel ku haboon oo lagu cabiro, wuxuuna ka digay in fikirka lagu cabiro meel aanu ahayn, meeshii loogu talla galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in fikirku uu macno dheer lee yahay, haddii aan lagu cabirin halkii loogu talla galayna aanu lahaan doonin wax dhadhan ah, Soomaaliyana aanu waxba u tari doonin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu intaa ku daray in shakhsi kasta oo Soomaaliyeed uu xor u yahay in uu fikirkiisa ka hadlo, sidoo kalana uu ka Madaxweyne ahaan diyaar u yahay in uu la hadlo, dhinacyada ka soo horjeedo.

Madaxweyne ka ahaan, ayuu sheegay in uu dhageysan doono cid kasta oo Soomaali ah, oo ka fikir duwan hanaanka uu ku shaqeeyo, isla-markaana uu ka qaadan doono fikir kasta oo Soomaaliya lagu horumarinaayo, sida uu yiri.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu danta Ummada Somaliyeed uu ku sheegay maslaxada Soomaaliya oo kaliya, dhammaana ay dantu noqoto mid Somaliyeed, oo aynaan noqon (ahayn) mid gaar ah.

Waxa uu soo hadalqaaday in dalka uu yeeshay Dowlad, taa oo hanatay in ay shaqeeyaan Hay’adaheedii, isla-markaana wuxuu soo jeediyay in la wada ilaaliyo dhaqanka Dowladeed (Hanaanka Dowladnimo).

Waxa uu intaa ku daray inaanay jiri doonin qof lagu colaadinaayo ra’yigeeda, wax lagu farxana ay tahay sida uu yiri in qofka uu dhiibto fikirkiisa, iyadoo aanu jirin wax dagaal ama colaad ah, aan ka ahayn in la ilaaliyo casriga Dowladeed, ee Soomaaliya iminka hana qaadeyso.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku baaqay in la qiimeeyo wax qabadka Dowadda, qaabka ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowladda iyo daruufaha hor-gudban, iyadoo meesha laga saaraayo Siyaasad.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale soo jeediyay in la soo jeediyo dhaliilaha Hay’adaha Dowladda Soomaaliya, lana tilmaamo wixii ka khaldan iyo wixii kale ee lagu bedeli karaayo, isla-markaana la dhiira geliyo wixii wanaagsan ee u qabsoomay.

Hogaanka Wadanka wuxuu ku cel celiyay in la ilaaliyo dhaqanka Dowladnimo, iyadoo la raacaayo tilmaamaha Sharuucda dalka u degsan iyo Nidaamka Dowladeed, waxyaabaha ay ka qabaan.

Ugu dambeen Madaxweynaha, ayaa ku maah maahay (Caruurta habeenkii, ayay baqataa, waayeelkana maalintii), iyadoo uu ku macneeyay dadka qaarkii in ay ka baqaan colaada, Dowlad la’aanta iyo dhibka, halka dadka kalana uu ku sheegay in ay ka baqaan nabadda, Dowladnimada iyo iftiinka soo muuqanaaya.

Si kastaba ha-ahaatee hadalka maanta ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli in ka badan 130 Xildhibaano ku eedeeyeen in uu wax talo ah ka qaadan waayay.


Salaanmedia/Moqdisho

Â