Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Uganda oo ku kulmay Magaalada Kampala

image

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muzevani, ayaa kuwada kulmay Madaxtooyada dalkaasi, iyaga oo kawada hadlay arimo dhowr ah.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay kulanka labada Madaxweyne, balse ma aaneyn bixin faah-faahin rasmi ah oo ku aadan waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadlay.

Saraakiisha Madaxtooyada ka tirsan, ayaa sheegay in waxyaabaha lagawada hadlay ay kamid yihiin arimaha ku aadan howlgalka Amisom ee dalka Soomaaliya iyo xiriirka labada Dowladood ee Uganda iyo Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya dhigiisa dalka Uganda uu kala hadlay arimaha ku aadan sidii loosii wadi lahaa howlgalka Al-Shabaab lagula dagaalamayo ee ka socda Soomaaliya iyo dar-dargelintiisa.

Wasiirka gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa la kulmay Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Uganda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi oo ay kala hadleen sidii loosii wadi lahaa howlgalka Amisom ee dalka Soomaaliya, maadaama miisaanka ugu culus ee howlgalkan Dowladda Uganda ay ku leedahay.

Kasokoow wararka ku aadan arimaha Milateriga iyo xiriirka labada Dowladood, waxaa jirta guux ku aadan in labada Madaxweyne ay kawada hadleen arimaha ku aadan siyaasada beryahan kacsan ee Soomaaliya, balse ilo wareedyada Madaxtooyada ka tirsan nooma aysan xaqiijin arimahaasi.

Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu isla maanta dalka dib ugu soo noqdo, safarkiisana uu ku koobnaado kaliya hal maalin.

Xiisad Siyaasadeed ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho, waxaana Xubnaha Baarlamaanka dalka ay wadaan Xurguf ay ku doonayaan inay meesha kaga saaraan Madaxweynaha iyo Wasiirka arimaha gudaha oo shalay mooshin laga gudbiyay.

Salaanmedia/Mogdisho